Madasha Toosinta Qaranka Oo Ka Hadashay Arrimaha Dalka Ku Soo Kordhay, Madaxweynahana U Diray Farriimo Culus

3
625

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka,ayaa taageero lixaad leh u muujisay aragtida qaar ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada oo ku baaqay in gudi xaqiiqo raadis ah loo saaro shirkadii shidaalka ee dalka ka baxday iyo arimaha muranka xoogan dhaliyay ee ka taagan madaarka Hargeysa oo dhaqaale badan lagu maalgaliyay.

Sida oo kale waxay ay xukuumada ku eedeeyeen inay shirkada shidaalku ay kaga tagtay dalka maamulxumo iyo musuqmasuq isbarkaday.waxaanay madaxweyne Axmed Siilaanyo ku tilmaameen hogaamiye cabasho badan in badana dadka ugu qayshaday qabashada xilka uu hayo wakhtigana u adkaysan la’  dhaliilaha mucaaradka. Sida oo kale waxa ay madaxweynaha kula gar naqsadeen in loo baahan yahay in laga wada hadlo xaalka dalka.

Gudoomiyaha madasha wadatashiga Muj.Xasan Guure Jaamac, ayaa dhaliilo xoogan u soo jeediyay madaxweyne Axmed Siilaanyo,isaga oo ku tilmaamay hogaamiye caban oo aan hadana ogalayn in wax wada tashi ah laga yeesho xaalka dalka,waxaanu ugu horayntii hadalkiisa ku bilaabay “Socdaalkii uu madaxweynuhu ugu baxay gobolada dalka waxa la hadal hayey eray aan idhi kaas oo ahaa inay ka wada maqan yihiin xaruntii dalka, maamulkii madaxtooyada iyo dawladu waxay  leedahay baratakool ah madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen, waana inay cidi joogta xarunta dawlada, wadan waliba waxa uu leeyahay xarun awooda iyo magaca dawladnimadana meel ayaa loo sameeyey oo waxaynu nidhaahnaa madaxtooyada, markaa mar walba in cidi joogta madaxtooyada oo la hela meel mar  walba warka laga soo gaadhsiiyo mana aha in lays waydiiyo meesha uu madaxweynuhu joogo, waxba la  yaabi maayo oo waxba u macnayn maayo waayo malaa dadka aanu la hadlayno ayaaban miyir qabin, ilaa iyo Ramadaan waxaanu isku haysanay eray gole la yidhaahdaa waa sharci iyo sharci maaha.”

Gudoomiye Xasan Guure oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxa la qarinayo ayaa  jira  oo laga gubanayo wax aynu is waydiino ayeynu nidhi ee maxaad ku diideen waxaynu wada leenahay kumaanu waydiin reerkaaga,adhigaaga iyo gurigaaga ee  waxaynu ka wada hadlaynaa wixii umadani kuu dhiibatay, waxaynu ka wada hadlaynaa wixii aanu dadka u sheegnay markaanu shalay Kulmiye ahayn ee aanu lahayn haddii aad doorataan madaxweynaha waxaas ayuu qabanayaa, waana kuwan dhalinyaradii aanu lahayn UDUB way tagaysaa ha tahriibin walaal meeday maanta, inta uu aniga ii jawaabayo waxa looga fadhiyaa inuu ka jawaabo balankii uu dadka u qaaday, dadkana balan ayeynu u qaadnay balankiina waa laynaga sugayaa oo suuqa ayaa nalagu waydiiyaa, tiina hadii aynu maanta is weydiino ileen kaligaa laguma doorane maxaad uga gubanaysaa.Aniga bari hore ayaa lay  waydiiyey abaalka madaxweynaha  waxaan idhi sodon sanadood oo aanu madaxweynaha isku jabhad ahayn waxa dhaanta sadex cisho aanu Xirsi isku jabhad noqon lahayn, ninkaas dadku ka cabanayo, waxaanan qabaa inuu yahay tiirka uu ku taagan yahay haddii uu caawa ka hoos dhaqaaqana inay ku dumayso ayaan qabaa, markaa abaal la’aanta waanu ku naqaanee oohinta badan ayaanaan ka filayn, sodon sanadood waxa uu noogu ooyey kursiga I saara oo habeen iyo maalin jiif iyo joogba nogu diiday, maantana waxa uu leeyahay waar hay soo eegina oo hayla hadline, waar mar walba ha ooyine marka aad dhulka joogtana ha ooyin marka aanu ku saarnana ha ooyin, waar iska abaal la’aw oo oohinta naga daa oo waxa lagu waydiinayo saani uga jawaab haddii aanay jirin wax aad qarinayso, sidii aynu shalayto u wada hadlaynay noola hadal oo yaanan bahalo kula noqonin saaxiibadii shalay ayaanu nahay, waxaynu saaxiib ku ahayn maaha inaad meesha fuusho balse inaad umadda wax u qabato ayey ahayd inaad dhalinyarada wax u qabato ayey ahayd ee aniga hay jawaabin.”

Xasan Guure isaga oo naqdinaaya gudoomiyaha haayada qandaraasyada oo uu sheegay inuu isagu halkuu qanadaraasyada ka qaybin lahaa uu xukuumada waxa u doonayo waxa uuyidhi “wixii hawla ee umaddu wada leenahay haday shaqo tahay xeerku sida uu dhigayo in loo tartamo ayey ahayd oo aanu qofku cida uu yahay iyo magaca uu leeyahay aanu kuna waayin kuna helin ee waxa uu shaqaysto uu ku helo, qandaraasyada wixii la bixinayo waxa loo baahan yahay in loo sinaado maaha in cid gaara ay noqdaan, waxa lay sheegay in gudoomiyihii qandaraasyada ee ahaa inuu dadka u qaybiyo qandaraasyada isaga intuu qandaraasyo qaatay tagay wadanka Chine isaga qaybi ayaa lagu yidhi ee yaa ku yidhi soo iibi, haday sharci daro jirto taas ayaa sharci daro ah, in qandaraaska si qarsoon loo bixiyo ayaa sharci daro ah, waana in marka uu qandaraasku soo baxo la yeedhiyaa oo mudo loo qabtaa waana in dadka oo dhami meel kasta ha joogee maqlaa, waana in cidii kasta ee is tuhuntaa ay ka soo qayb gashaa.

Ugu danbayntii Muj.Xasan Guure waxa uu hanbalyeeyay golaha wakiilada oo uu ku taageeray aragtida ay qabaan xildhibaanada qaarkood ee ah in gudi loo saaro arimaha shidaalka iyo madaarka “Waxaan hanbalyeynayaa golaha wakiilada oo aad moodo inay yara diireen oo uu ka kacay bahalka gariisaha la yidhaa oo kale, waxaanan rajaynaynaa inay diiraan golayaasha kala duwan ee loo igmaday inay dawlada xisaabiyaan, waxaana loo igmaday in wixii ay dawladu qabanayso ay yidhaahdaan waxaas ayaad qabanaysaa marka ay qabatana la waydiiyo sida ay u qabatay, mana aha inay dawlada baryaan balse waa inay dawladu baridaa, waxaan taageersanahay inay xildhibaanada golaha wakiiladu yidhaahdaan guddi ha loo saaro waxyaabaha dalka ka taagan, shirkadahan guuray sababta ay u guureen, dadkii shalay qurbaha joogay ee shalay Kulmiye u dedaalayey waynu ogayn wixii ku dhacay ee la sheegayo in qaar ka mid ahi halkan ku dhinteen markii ay ka dhamaatay dawooyinkii ay siteen, waxaanu taageersanahay in guddi qaran la saaro oo ka kooban sadexda xisbi, labada gole iyo aqoonyahanka dalka.”

Arimaha mudaharaadka mujaahidka oo ka hadlaayay waxa uu yidhi “Madaxweynuu waxa uu yidhi reer Burcow muujiya in qoladaas wada tashigu ay sharcidaro yahiin,tolaw ma mudaharad dhigabaa,xaaji hada anagu waanu kayara war wareegaynay ee hadaad ku dhawaaqdo qoladeena ku dad badata diyaarbaanu u nahaye ku dhawaaq oo fasax ayaanu u baahnaynbee,reer Burco oo kaliyaatana hawgu baaqine dalka oo dhan ugu wada baaq.”

Ugu danbayntii shirkan jaraa’id Maxamed Xaashi Cilmi ayaa xukuumada iyo golaha wakiiladaba ku dhaliilay in wasiirka madaxtooydu uu golaha wakiilada siiyo warbaxin xaalada dalka,isaga oo sheegay inay sharaf dhac ku ahayd madaxweynaha,ku xigeeniisa,golaha ka dhagaystay iyo guud ahaanba qaranka Somaliland  “Shirkad guurtay oo alaabteedii xidh xidhatay wasiirbaa loo diray oo u tagaaya London oo la soo hadlaya,waxay u guureen ee qalabkoodii oo dhan ay u xidh xidheen wax yar maaha ee ay intaas oo dhan isku khasireen ee ay u baxeen,maahana wax ku dhamaan kara wasiirbaa u tagay,waana sheeko caruureed aanay waxba ka jirin,waxay u tageen nidaamxumo,Musuqmaasuq iyo dhibaato ay arkayaan inay ka hortimi,siday ku soo noqonayaana alle ayuunbaa og iyada oo ay jirto baahi loo qabo shidaalka,laakiin waxa kexeeyay waa maamul xumo.Meeshii aynu ka filaynay in la soo dhaweeyo sharciga baarlamaanka la hor  geeyo  si wanaagsana looga shaqeeyo dabadeedna dadku ka dheefo kii oo u siman ileen shidaalka iyo macdantu khayraadkauu dalku leeyahay kuwa ugu muhiimsan ayay ku jiraane,sidaas ayuu wanaagu ahaa tiibay shirkadu wayday waanay ka guurtay.”

Maxamed Xaashi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxa laga talaabsaday baratikoolkii oo dhawaan waxay baarlamaanku u yeedheen wasiirka madaxtooyada,wasiirka madaxtooyadu kamuu hadlin  wasaaradiisa baarlamaankuna may ahayn inay ka ogalaadaan in uu ka hadlo waxaan wasaaradiisa ahayn,waayo baratikool ayaa jira oo madaxweynuu hadaanu iman karayn oo uu xanuunsanaayo madaxweyne ku xigeenkiibaa joogay oo ka hadli lahaa oo ay waajibkiisa tahay,waxa muuqata in dad aan waxan fahansanayan oo kursiga uun uu laweyn yahay ay waxan yeelaan waxa uu kahadlay wasaaradii iyo haayadii oodhan,waxaanay noqotay wasiir wasiir kale shaqadiisa ka hadlaaya gafkana waxa sameeyay shir gudoonkii baarlamanka oo markaasba waxay ahayd inay joojiyaan oo ay yidhaahdaan wasaaradaada ayuunbaad ka hadli kartaa,kali talisku iskama yimaade dadkaa abuura,wasaaradahii kale inan yar ayay ka xadhig xidhaan imika taasina waa wax baratikolkenii baabinaysa,oo nusqaan ku ah dawlada madaxweyne ku xigeenka iyo madaxweynahaba.”    

Ibrahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne), ayaa isna halkaas ka hadlay.

Comments are closed.