Madaxweyne Siilaanyo Iyo Shacabkii Soo Dhawaynayay Oo Is Waayay & Muuse Iyo Maxamuud Xaashi Oo Dadkii Madaxweynaha Sugayay U Tagay

0
433

Hargeysa(Geeska)-Shacab tiro badan oo reer Somaliland ah oo degen dalka Ingiriiska, ayaa ku guuldaraystay isku day ay ku doonayeen inay  madaarka Heathrow ee magaalada London ku soo dhaweeyaan Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisii, waxaana dadkaas markii dambe hotel ugu tagay murshaxa KULMIYE iyo xubno wasiiro ah oo weftiga Madaxweynaha la socday.

1

Dad tiro badan oo reer Somaliland ah ayaa maalmihii u dambeeyay isu abaabulayay sidii ay Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa u soo dhawayn lahaayeen, laakiin dadkaas ayaa candhuuftooda dib u liqay ka dib markii uu wakiilka Somaliland ee UK Mr. Cali Aadan Cawaale ku wargeliyay inaan la ogolayn in madaarka loogu tago madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa, isagoon wax sabab ah sheegin, waxaana dadkii la isugu geeyay hotel lagu magacaabo Crowne Plaza, dad kale ayaa iyaguna ku ururay terminal aan ahayn kii uu madaxweynuhu ka soo degayay,  waxaana talaabadan si weyn uga cadhooday shacabkii soo dhawynta madaxweynaha doonayay.

Laakiin waxa iyana mar labaad dadkii yaab ku noqday ka dib markii hoteelkii ay ku sugnaayeen ay ugu yimaadeen oo keliya musharaxa madaxweyne ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo weftiga la socday. Lama sheegin sababta mar labaad keentay in Madaxweynihii ka maqnaado dadkii sugayay. Ma jiro wax war ah oo ay madaxweynaha iyo wasiirada iyo xafiika Somaliland ee Ingiriisku ka soo saareen dhacdadan.

Muuqaal kooban oo laga soo daayay Telefishanka qaranka ayaa muujinaya Madaxweyne Siilanyo oo salaam gacan qaad ah ay isku qaabilayaan wakiilka Somaliland ee Ingiriiska Mr. Cawaale, mana jiro wax hadal ah oo uu Madaxweynuhu siiyay telefishanka qaranka, taas bedelkeedna waxa halkaas ka hadlay wakiilka Somaliland iyo wasiirka madaxtooyada.

Waxa  jira warar la isla dhex maraya oo faallooyin kala gedisan ka bixinaya sababta keentay in shacabku arki waayaan madaxweyne Siilaanyo.

Shabakadaha wararka faafiya ee laga leeyahay Somaliland ee xarumaha ku leh dalka Ingiriiska ayaa qaarkood waxay arrintan ku sababeeyeen  arrimo dhinaca ammaanka ah, iyadoo ay kala bateen dadkii madaxweynaha soo dhawaynayay iyo tirada maamulka madaarku u ogolyahay inay garoonka yimaadaan. Waxaanay dadkani arrintani ku eedaynayaan nidaam xumo uu sababay wakiilka Somaliland ee Ingiriiska Mr. Cali Aadan Cawaale.

Shabakado kale ayaa iyaguna  tilmaamaya in madaxweyne Siilaanyo oo safar dheer soo galay aanu xaalad ahaan  diyaar u ahayn inuu qaabilo oo uu salaan la tiigsado dadkaas faraha badan islamarkaana hadal u jeediyo.

Si kastaba ha ahaate, shacabkii doonayay inay soo dhaweeyaan Madaxweyne Silaanyo way ku hungoobeen, waxaanu madaxweynuhu markii uu ka soo degay diyaaradda toos u tagay gurigiisa, halka ay wasiiro iyo murashaxa KULMIYE hoteelkii ugu yimaadeen dadkii sugayay ee tirada badnaa.