Madaxweyne Siilaanyo Iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Siyaabo Kala Fog Uga Hadlay Ujeedada Wada Hadalka Turkiga

0
577

5

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya, ayaa aragtiyo kala fog ka muujiyay ujeedada wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, isagoo mid waliba dhinaciisa u sheegtay ujeedada uu ka leeyahay wada hadalada la filayo inay bisha February dib u furmaan.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa qoraal kooban oo la geliyay barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu ku cadeeyay in danta Somaliland wada hadalada ka leedahay tahay hirgelinta madaxbanaanida Somaliland, waxaanu yidhi “Haddii aynu xushmayno waxa aynu isku khilaafsannay, waxa aynu muujin karnaa waxa aynu ku midaysannahay. Wada jirna waxa aynu ku dhisi karnaa gobol la isku hallayn karo, oo ah Soomaaliya iyo Somaliland oo isku garab nool.”

Mar kale wuxuu Madaxweyne Siilaanyo yidhi “Somaliland iyo Somaliya waxa ay hayaan jidkii saxda ahaa ee ay maanta wada hadallo midho dhal ah, xal ugaga gaadhi lahaayeen khilaafaadka u dhexeeya. In aynu laba qaran noqonno ayaana aynu guulo badan ku gaadhi karnaa.” Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hoggaaminayay ayaa shalay wadanka ku soo laabtay.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo isna markii uu ku laabtay wadankiisa, saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu rajaynayo in midnimadii burburtay ee Somaliya horumar laga gaadho sannadka 2015.  “Sannadka cusub ee 2015 waxaan rajaynaynaa inuu noqdo sannad horumar guud ahaan dalka Somaliya uu gaadho, gaar ahaana arrinta midnimada in horumar badan laga samayn doono.” Ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanu intaas raaciyay “Waxyaabaha ugu muhiimsan in la sii xoojiyo wada hadaladii, laguna dhiirado amuuraha masiiriga ah ee u dhexeeya labada dhinac ee ka hadlaya masiirka Somaliya guud ahaanteed iyo sidii ay dadka Somaliyed ee dalka degen isula wada jaan qaadi lahaayeen, wixii tabasho ah iyo wixii dhibaatooyin ee jira looga wada hadli lahaa si labada dhinacba raali ku yihiina loo gaadhi lahaa oo maslaxada umadu ku jirto.”

Hadaladan kala fog ee labada madaxweyne ayaa laga dareemi karaa sida ay labada dhinac weli u kala durugsanyihiin, iyadoo uu dhinac waliba aaminsanyahay hirgelinta doonistiisa, taas oo halis ku ah in lagu dhiirado qodobka ugu muhiimsanaa ee ku jiray heshiiska u dambeeyay ee ah in la guddo galo qodobada khuseeya arrimaha masiirka ee labada dhinac oo dabcan ah madaxbanaanida Somaliland iyo midnimada Somaliya.

Si kastaba ha ahaate, wada hadalada loo balamay bisha February ayay dadka siyaasadda lafo-guraa aaminsanyihiin inaanay wax cusub soo kordhin doonin, islamarkaana ay adkaan doonto in arrimaha muhiimka ah loo daadego, si loo soo gaabiyo wada hadaladan daba-dheeraaday.