Madaxweyne Siilaanyo Iyo Golaha Wasiirada Oo Amaro Culus Dul Dhigay Adeegyada Zaad & E-dahab Iyo Shirkadda Telesom Oo Ku Tilmaantay Qaraar Siyaasadeed

0
694

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa go’aamisay inaan adeega Telefoonada ee loo yaqaano Zaad iyo E-dahab lagu diri karin wax ka yar boqol dollar, ka dib markii ay ku eedeeyeen inay qayb ka yihiin qiime dhaca lacagta Somaliland iyo weliba sicir bararka dalka ka taagan.

16298797_388990884780925_791369140211476852_n

Madaxweyne Siilaanyo ayaa shalay guddoomiyay shir golaha wasiiradu yeesheen oo deg deg ah, kaas oo lagu ansixiyay saddex qodob, ka dib daraasad ay sheegeen in la soo bandhigay. Hase yeeshee shirkadda Telesom oo ah shirkadda isgaadhsiineed ee ugu balaadhan, ayaa cambaaraysay talaabadaas.

Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo markii shirku dhammaaday saxaafadda la hadlay, ayaa wuxuu sheegay in in xukuumadu daraasaad ku samaysay in lacagta la isugu diro telefoonadu gacantu dhibaato ku yihiin lacagta Somaliland “Waxa sidoo kale ay dawladdu daraasad rasmi ah ku samaysay oo hay’adihii shaqada ku lahaa soo xaqiijiyeen in lacagta Electronic money-du ay saameyn ku leedahay qiimo dhaca shilinka Somaliland, iyada oo taa laga duulayo maanta laga bilaabo waxa ay xukuumaddu go’aansatay in la joojiyo lacagaha Zaad-ka iyo E-dahabka wixii ka yar boqol doolar ($100), laguma diri karo, marka laga imaado wakhti dhow oo shirkaduhu ay khadka ka saarayaan, waxa mabnuuc noqon doona in la diro lacagtaas. Waxa dadka u furan inay isticimaalaa lacagha ka badan boqol dollar ($100).” ayuu yidhi Wasiir Xaashi, waxaanu intaas raaciyay “Go’aankaasi wuxuu noqonayaa go’aan hor leh oo la fuliyo bandhiga Somaliland ayaa soo saari doona saacadaha ay qaadan doonto inta System-ka laga saarayo, daba galkiisana isagaa u xil saaran.

Sariflayaasha waxa go’aamada maanta soo baxay waxa ay waajib kaga dhigayaan in lacagta doollarka ah in aan lagu sarifi karin boqolka doolaar ($100) todoba boqol oo kun (700.000) wax ka yar, arrimhaas oo dhan fulin la’aantooda dambi ayaa ka dhalanaya, ruqsado lala noqdo ayaa ka dhalan doona, cid ala cidii ku tagri fasha go’aamadaas.”

Wuxuu Wasiirka madaxtooyadu haddana yidhi “Waxa ka mid ah in ay Xukuumaddu isticimaasho xeelado iyo tabo lagu xoojinayo awooda bandhiga dhexe, waxa ka mid ah in dawladda lafteedu ay lacagta Somaliland isticimaasho, oo ay dawladuu joojiso isticimaalka lacagta adag, meelaha looga baahan yahay ee safaaraha dibada iyo safarada madaxda maka laga imaado.”

Jawaabta Telesom

Shirkadda Telesom, ayaa go’aankan golaha wasiirada ku tilmaantay qaraar siyaasadeed oo loogu danaynayo ganacsato kale oo aanay magacaabin. Agaasimaha waaxda horumarinta bulshada ee shirkadda Telesom Md. Cabdiwahaab Maax, oo la hadlay laanta Afka Somaliga ee BBC-da, ayaa wuxuu meesha ka saarya in adeega Zaadku qayb ka yahay qiime dhaca lacagta Somaliland, isagoo xusay in khubaro dhaqaalayahan ahi hore u cadeeyeen arrintan. Wuxuu Mr. Maax sheegay in boqol dollar wax ka yar in Zaadka aan lagu diri karin uu macnaheedu yahay in Zaadka la xidho oo ay u arkaan inay tahay qaraar siyaasadeed oo loogu danaynayo ganacsatada qaar.

Gunaanad

Xukuumadda Somaliland ayaan soo bandhigin daraasad rasmi ah oo ay ku salaysay go’aamadeeda, marka laga reebo in la sameeyay daraasadaas. Waxaana la isweydiinayaa in xukuumadu heshay sirta sababta u ahayd qiime dhaca lacagta Somaliland iyo in kale. Waxase su’aalahan laga jawaabi doonaa toddobaayada oo socda marka uu hirgalo amarka shirkadaha la dul dhigay ee la joojiyo lacagihii la isugu diri jiray telefoonada gacanta.

Shacabka Somaliland ayaa tan iyo shalay goobaha ay bulshadu ku kulanto waxa ay xukuumadda kaa dalbanayeen inay shacabka u soo bandhigto daraasada la sameeyay si loola arko.