Hargeysa Iyo Berbera Oo Laga Sameeyay Gadood Dadweyne Oo Ka Dhan Ah Sicir Bararka Iyo Suuqyo Albaabada Loo Xidhay

0
616

Hargeysa(Geeska)-Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, ayaa waxa shalay ka dhacay mudaharaad albaabada loogu xidhay meheradihii ganacsi ee magaalooyinkan.

1

Magaalada dekedda ah ee Berbera ayaa ganacsatadu waxay gebi ahaanba albaabada u laabeen meheradihii ganacsiga iyagoo ka cabanaya sicirbarar beryahanba saameeyay nolosha guud ee dadweynaha Somaliland.

Shiliinka Somaliland ayaa qiimodhac weyni ku yimid labadii bilood ee ugu danbeeyay

Halkii doolar ayaa maanta maraya 8400 oo shilinka Somaliland ah, halkii uu ka ahaa 7300.

Xuseen Cawil Cabdillaahi oo ah nin ka ganacsada magaalada Berbera ayaa BBC u sheegay in meheradaha ay xireen ay ka koobanyihiin bakhaarada cuntada , dukaamada tafaariiqda iyo suuqyadii kale.

Wuxuu sheegay in sababta sicir bararka keentay ay tahay iyadoo bangiga Somaliland uu suuqa ku soo daayay lacago xad dhaaf ah oo shillin ah.

Dhinaca kalena gudoomiyaha gobolka Saaxil ee Berbera, Jamaac Yuusuf ayaa isna xaqiijiyay meheradaha ganacsiga berbera ee ganacsatii xireen iyo mudaaharaad cabasho ah oo dadweyne la hortageen xafiiska maamulka gobolkaaasi.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in dadweynaha banaabaxayay uu u sheegay in xukuumaddu ay si degdeg wax uga qabanayso arrinka sicirbararka oo golaha wasiirada ee Somaliland maanta shir degdeg uga fadhiyaan .

Magaalada Hargeysa dadweyne aan badneyn ayaa iygana shalay isugu soo baxay suuqa gobanimo iyagoo ka cabanayay sicir bararka, waxaana la xidhay meherado ganacsi oo badan oo ku  yaala suuqa gobanimo iyo meelo kale oo ka tirsan caasimadda.

Sicir bararka waxaa si gaar ah uga cabanaya dadka danyarta ah ee shaqaalaha ah mushahaaarkana ku qaata shillinka Somaliland.

Sicir bararka saameeyay nolosha dadweynaha Somaliland ee magaalo iyo miyiba waxa uu ku soo beegmay iyadoo abaar baahsani ka jirto halkaas oo gurmad lagu jiro. horay ayay xukuumaddu ugu saartay guddiga furdaaminta sicir bararka laakiin ma muuqato xal ay ka gaareen.