Madaxweyne Siilaanyo Aakhirkii Wuu Garawsaday In UDUB Saxsanaa, KULMIYE-na Qardajeex ahaa?

1
1364

Wargeyska The Horn, oo ah mataanka Geeska Afrika ee Ingiriisida oo toddobaadkiiba soo baxa Isniin kasta, ayaa qaybtiisa tifaftiraka wuxuu cadadkiisii u dambeeyay ku soo qaatay masuuliyiinta ka tirsanaa xisbiga UDUB ee uu Madaxweyne Siilaanyo xilalka u magacaabay.

Wargeysku, wuxuu aad ugu dheeraaday falanqaynta iyo dib u milicsiga sidii adkayd ee uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo u dhaliili jiray hoggaankii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ee xisbigii UDUB oo uu ku eedayn jiray musuqmaasuq, aqoon la’aan, qabyaalad iyo burburinta qaranka, waxaanu wargeysku iftiimiyay in eedaymahaas Madaxweyne Siilaanyo aanay wakhtigaas macno buuran ku fadhiyin, iyadoo  xukuumadii Madaxweyne Rayaale eedaymahaas kaga jawaabi jirtay kuwo aanay waxba ka jirin. “Udubtii uu shalay ku andacoonayey in wax kasta oo ku abtirsadaa qaldan yahay, ayuu Siilaanyaha Kulmiye maanta u magacaabayaa boosas aad u sarreeya oo maamulkiisa ka mid ah, waxa aanaynu tusaale u soo qaadan karnaa isku-shaandhayntii uu dhowaan sameeyey oo ku soo beegantay waqti yar kadib qado kulan madaxtooyada ay ku wada yeesheen Silanyo iyo madaxweynihii hore ee Rayaale.” Sidaas ayuu Wargeysku ku yidhi qormadiisa, waxaanu intaas raaciyay “Magacaabistan isku-shaandayntii u dambaysay oo saddex masuul oo sare oo UDUB ah lagu soo magacaabay waxa ay shaaca ka qaadday isbahaysiga qarsoon ee Silanyo iyo UDUB.”

 

Wargeysku, waxa uu soo qaatay masuuliyiintan u dambeeyay ee kala ah wasiirka Bosaha, agaasimaha wasaaradda dib u dejinta iyo maareeyaha madbacadda qaranka oo uu sheegay inay ahaayeen halgamayaashii UDUB, waxaanu soo xigtay weedhihii ay KULMIYE ku tilmaami jireen waagii ay UDUB-ta ahaayeen. 

Waxaanu tifaftirka The Horn isweydiiyay  su’aalahan

Siilaanyo ugu dambayntii ma waxa uu xaqiiqsaday in UDUB ay tubta saxan haysay, Kulmiyana qarda jeex ahaa?

Kulmiye miyaanu lahayn masuuliyiin xilalkan sare wadi kara?

Siilaanyo aakhirkii ma waxa uu iska bixiyey shaadh beenaadkii Kulmiyenimada oo waxa uu la soo kala baxay  midabkiisii dhabta ahaa ee UDUB-nimada?

Waxa kale oo uu xusay Wargeysku, inuu Madaxweyne Siilaanyo maareeyaha dekedda Berbera u magacaabay Cali Xoor-xoor oo uu KULMIYE u yaqaanay aabaha musuqmaasuqa xilligii Daahir Rayaale Kaahin.

Wargeysku ugu dambayn wuxuu yidhi Madaxweyne maxaa xiga?

Comments are closed.