Madaxweyne Obama Oo Xayirey Dhoofinta Dhuxusha Dalka Somaliya

0
778

obamaMadaxweynaha Mareykanka, Barack Obama, ayaa xayiraad ku soo rogey dhoofinta dhuxusha Somaliya, oo xukumadda Washington ay rumeysan tahay in lacagta ka soo xaroota loo adeegsado maalgelinta hawlaha kooxda Al Shabab ee dalka Somaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka waxay sheegtey in isbedel yar lagu sameeyey xeer hore u jirey, isla markaana uu Madaxweyne Obama qalinka ku duugey qaraar uu hore u meel mariyey Golaha Ammaanka ee QM, oo horaantii sannadkan lagu mamnuucey dhoofinta dhuxusha Somaliya.

Victoria Nuland oo ah afhayeen ka tirsan xukuumadda Washington waxay sheegtey in xayiraadda dhoofinta dhuxusha ay cadaadis weyn saari doonto kooxda Al Shabab, oo dakhliga ugu badan ka hesha ganacsigaasi.

Wax soo saarka dhuxusha Somalia, waxaa kale oo uu dhibaato balaadhan oo dhinaca degaanka ah ku reebey dalka, taas oo ka sii dartey mashaakilka aadaminimo ee dalkaasi haysta.

Geesta kale, Mareykanka ayaa sheegey inuu Kenya siinayo siddeed diyaaradood ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ka caawin doona dalalka Bariga Africa dagaalka lagula jiro kooxda Islaamiyiinta Somaliya ee Al Shabab.

Wargeyka Wall Street ee ka soo baxa Mareykanka, oo soo xiganaya wasaaradda difaaca ee Mareykanka. Pentagon, waxaa uu qorey in Kenya ay ka mid tahay dalal ku yaala Bariga Afrika oo kaalmo milateri oo lagula dagaalamayo kooxaha Islaamiyiinta ka heli doona Mareykanka.

Dalalka lagu xusey warbixinta ee kaalmadaasi milateri ka faaideysan doona waxaa ka mid ah Burundi, Djibouti iyo Uganda

Waxaa diyaaradahan drones-ka ay xitaa qeyb ka qaadan karaan inay calaamadeystaan goobaha ay tahay in la weeraro, iyadoo la isticmaalayo ciidamada dhulka iyo diyaaradaha dagaalka ee caadiga ah.

Wasaaradda difaaca ee Mareykanka ayaa intaa ku dartey in kaalmadan ay sare u qaadi karto awoodda ciidamada qaranka ee Kenya.

Sarkaal u hadley ciidamada Kenya ayaa soo dhoweeyey talaabadan , kuna tilmaamey mid wax ku ool ah.