Somaliland Waxay U Baahantahay Isbedel Dhaqaale Oo Degdeg Ah Si Ay U Gaadho Horumarka Ay Dadkeedu Higsanayaan

12
753

adan

HORDHAC

In kastoo aan cidina caalamka weli ka aqoonsanin hadana Somaliland waa wadan nabad ah, oo xasiloon ilaa xad, oo leh dawlad dhexe iyo axsaab siyaasadeed iyo xukuumad la soo doortay kuwaas oo ay weheliyaan bulshada rayidka ah iyo ganacsi firfircoon oo xor ah. Hadaba sidaas oo ay tahay hadana xiligan ka hor xukuumadihii hore ee Somaliland waxay ku hawlanaan jireen nabad gelyada iyo ammaanka wax badana kamay qaban dhisida hay’adaha dawliga ah iyo tayadooda si ay ugu adeegaan horumarka bulshada. Hadaba iminka waxay xukuumadan cusub oo ay u dhamaatay laba sano si gaar ah u abaaraysaa horumarinta hay’daha dawliga ah iyo sidii loo ilaalin lahaa inay horumariyaan waxqabadkooda bulshada. Maqaalkani wuxuu qeexayaa hawlaha loo baahanyahay in wax laga qabto dhinaca dhaqaalaha kaas oo ay xukuumadu wax kaga qabanayso qaabka loo maamulo loona xisaabiyo hantida dawlada si loo helo hab maamul oo hufan oo dhaqalaheena kor u kiciya inoona suuro-geliya inaynu ka helo deeq-bixiyayaasha caalamka mucaawino toos ah oo lagu kabo miisaaniyada iyo in la gaadho ujeedooyinkii laga lahaa dawlad-wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa iyo weliba in la abuuro kalsoonida dadka maalgashiga ku samaynaya wadanka ee ajanebiga ah.   

SIYAASADAHA XUKUUMADA CUSUB

Aasaaska dhaqaalaha ee xukuumada cusubi waxa weeye in guul laga gaadho fulinta qorshayaasha horumarineed ee bulshada iyo dhaqaalaha iyadoo isla markaana la ilaalinayo xawliga iyo koboca dhaqaaluhu ku socdo kaas oo lagu hirgelinayo habsami ku salaysan sharciyo dawli ah oo leh xakamayntooda ama ilaalintooda. Hadaba si taas loo helo xukuumada cusubi waxay abuuraysa habka ugu fiican ee lagu hirgelin karo arimahaas laguna abuuri karo jawi lagu taageero kaabayaasha dhaqaalaha oo dhan iyo in looga faa’iidaysto mucaawinada sidii kor loogu qaadi lahaa ganacsiga iyo maalgashiga inooga imanaya debeda, taas oo dhaqaalaha ku ridi doonta tubta toosan ee lagu gaadhayo koboc iyo koritaan dhaqaale. Xukuumada cusubi waxay hada ku hawlantahay sidii ay u fulin lahayd arimaha salka u ah horumarinta dhaqaalaha sida: diyaarinta iyo hirgelinta xeeladaha, siyaasadaha iyo oofinta awoodaha xukuumada iwm si loo helo wax qabad tayo leh oo inoo sahla horumar dhaqaale oo joogto ah kana hirgala qaybaha bulshada oo idil.

KAALINTA XUKUUMADA 

Sida aynu kor ku sheegnay dawlada cusub siyaasadeeda iyo qorshaheedu wuxu ku wajahanyahay sidii hore loogu marin lahaa dhaqaalaha loona yarayn lahaa saboolnimada taasina waxay u baahantahay in si cad loo abaaro Maaraynta Hantida Dadweynaha. Sidaa darteed xilka dawlada waxa ka mid ah ilaalinta ammanka, horumarinta mujtamaca iyo wargelinta sidii kor loogu qaadi lahaa wax ka qabadka kaabayaasha dhaqaale ee bulshada loona dhawri lahaa dadka jilicsan ee yarayn lahaa saboolnimada iyadoo isla markaana kor loo qaadayo koboca dhaqaalaha lana fulinayo siyaasad horu-socod leh iyo hanashada awooda dawladnimo. Hadaba si arimahaas loo helo waa inay dawladu diyaariso degaankii suuro-gelin lahaa In la hirgeliyo hawlaha ka mid yihiin koru qaadka shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo in la hubiyo in mucaawinada waddanka la siiyo loo fuliyo sidii loogu talo galay taas oo hadii sii buuxda loo fuliyo soo jiidan doonta ganacsi iyo maalgashi soo gala waddanka oo kor u qaada dhaqaalaha. Waxa kale oo dawlada looga fadhiyaa inay dhiiri-geliso ka qayb qaadashada mujtamaca sidii hore loogu marin lahaa adeegyada bulshada ee heer kasta leh. In kastoo aanay dawlada cusubi isu arag mida soo saaraysa ee hadana maamulaysa dhaqaalaha maadaama uu ganacsiga gaarka loo leeyahay isku filanyahay aadna u koray hadana xilkeedu waa inay maarayso korna u qaado awooda iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee ay ku hawlanyihiin bulshada kala duwani si loo gaadho koboc dhaqaale oo rasmi ah oo ka bedela nolosha dadka reer Somaliland.

 ISBEDELADA DHAQAALE EE LOO BAAHANYAHAY

Si loogu sii socdo tubta toosan ee lagu gaadhayo koboca iyo koritaanka dhaqaale xukuumada cusubi waa inay fiiro gaara siiso hirgelinta balanqaadyadeedii ku saabsanaa in isbedel balaadhan lagu sameeyo dhaqaalaha lana fuliyo sharciyo iyo xeerar ku saabsan dhinacyada maamulka iyo xisaabinta hantida guud, qandaraasyada dawlada, ururinta cashuuraha kastamada iyo hantidhawrka debeda. Waxa muhiim ah in la fahmo habka hada aynu ku dhaqano ama isticmaalaa inuu jiro in ka badan 40 sano kaas oo aan ahayn keliya mid raagey ama gaboobay balse ah mid kala dhiman oo weliba aan kala cadayn, kana turjumayn siyaasadaha horusocodka ah ee dawlada cusub iyo himilada dadkeena ee xiligan. Sidaa darteed isbedeladan dhaqaale ee la doonayo in la fuliyo waxay lagama maarmaan u yihiin sidii loo heli lahaa taageero miisaaniyadeed oo toos ah oo laga helo deeq bixiyayaasha caalamka kuwaas oo u arka habka aynu hada ku shaqayno (sharciyadeena iyo maamulkeena) inuu yahay mid kala dhiman oo tayo daran oo weliba aan kalacadayn taas oo aanay diyaar u ahayn inay inagu siiyaan mucaawino miisaaniyadeed oo toos ah aan dhiirigelinayn maalgashi ka yimaadada debeda.

La soco…..

XEERARKA LA XISAABTANKA IYO MAARAYNTA HANTIDA DAWLADA

Arrimaha iyo waxqabadka looga fadhiyo dawlada cusub waxa ugu mudan sidii loo abuuri lahaa hay’adihii iyo ururadii meteli lahaa aasaaskii iyo ficilkii keenayey maamul dhaqaale oo hufan, masuuliyad, talo-wadaag iyo dawlad-wanaag, kaas oo dhiiri geliya dawladu inay ka qaadato door waxtar leh sidii loo gaadhi lahaa horumar joogto ah korna loogu qaadi lahaa fursadaha mustaqbalka ee Somaliland. Sidaa darted dawladu waa inay dardar geliso diyaarinta shuruucda cusub ee ka kooban xeerar dhawr ah oo loogu talo galay inay inoo sahlaan isbedel dhaqaale oo dhamaystiran kuna wajahan la xisaabtanka iyo maaraynta hantida dawliga ah. Kuwa ugu muhiimsan xeerarkan la soo diyaariyey waxa ka mid ah:

 

Xeerka Maaraynta Hantida Dawlada iyo xil-ogaanta;

Xeerka Wax-iibiska Dawlada;

Xeerka Cashuur Ururinta;

Xeerka Ururinta Cashuurta Kastamada; iyo

Xeerka Hanti-dhawrka Qaranka.

 

Hirgelinta xeerarkani waxay horseedayaan isbedeladaii dhinaca dhaqaalaha ee loo baahnaa, iyadoo la adeegsanayo maaraynta hantida dawliga (MHD) waxana lala kaashanayaa kaabayaasha dhaqaalaha oo dhan ha ahaadeen: kuwa dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay, deeq bixiyayaasha iyo maalgashadayaasha caalamiga ah. Hadaba ku dhaqanka xeerarka MHD wuxuu xukuumada ka caawinayaa inay gaadho qorshaheeda horumarka dhaqalaha mudada gaaban iyo ta dheerba iyo himilada ay ka leedahay sidii waddanka loo gaadhsiin lahaa isbedelo dhaqaale oo hufan.

WAXTARKA SHURUUCDA ISBEDELADA DHAQAALAHA

In la hirgeliyo isbedel dhaqaale oo dhamaystiran waxa ugu horeeya maaraynta hantida dawlada (MHD). Isbedelkan iyo wixii xeerar ah ee la xidhiidha oo dhan maaha keliya inay khuseeyaan in la helo wax lagu xakameeyo laguna maamulo hantida iyo waxqabadka dawliga ah balse waxay waddankeena wax uga tarayaan ama ka xoojinayaan arrimahan hoos ku xusan:

Comments are closed.