Madaxweyne Obama Oo Digniin U Diray Madaxweynaha Suuriya

1
653

obamaMadaxweynaha Maraykanka Barak Obama ayaa Madaxweynaha Suuriya ugu baaqay inaanu dadkiisa u adeegsan hubka halista ah ee kiimikada.

Madaxweyne Obama, wuxuu sheegay in dunidu si weyn ula socoto dagaalada Suuriya, “Adduunku isha ayuu ku hayaa.” Ayuu yidhi  madaxweyne Obama, oo raaciyay “Isticmaalka hubka kiimikada ah waxay tahay noqon doontaana mid aan gebi ahaanba la qabali karin. Haddii ay xukuumadda Suuriya samayso wax uu ku tilmaamay khalad masiibo ah oo ay adeegsato hubka kiimikada ah, cawaaqib ayaa ka dhalan doona.

Wax yar ayaa laga sheegayaa ifafaalooyinka ugu dambeeyay ee ka soo baxaya Suuriya, sarkaal aan la magacaabin oo Maraykan ah waxaa uu wargeyska New York Times u sheegay wax uu ugu yeedhay suurta galnimo diyaargarin hubka kiimikada ah.

Aqalka Cad, afhayeenka madaxweynaha, Jay Carney, waxaa uu sheegay inuu jiro walaac isasootaraya oo ah inay dhici karto in xukuumadda Assad ay qaadato tallaabo naf la caarinidnimo ah oo ay isticmaasho hubkeeda kiimikada.

Afhayeenku ma uusan sheegin waxa Maraykanku ka yeeli doono haddii ay sidaasi dhacdo, isagoo yidhi oo keliya waa muhiim in wax kasta diyaar loo ahaado.

Xafiiska gaashaandhigga Maraykanka, Pentagon, afhayeen Mark Toner, waxaa uu qeexay meesha Maraykanku aanu oggolayn in la gaadho oo ah isticmaalka ama faafinta hubka kiimikada ah.

Magaalada Dimishiq, wasaaradda arrimaha dibadda ee Suuriya waxay sheegtay in xataa haddii ay haysan lahayd hubka kiimikada ah aanay sinnaba weligeed ugu adeegsateen shacabkeeda.

Comments are closed.