Hay’adda FCA Oo Biyo Dhaamis Afar Bilood Ah Ka Bilowday Maxamed Mooge

0
2232

hay'adaHargaysa( Geeska )- Hay’ada FCA ayaa xeryaha barakacayaasha ee xaafadda Maxamed Mooge si rasmiya uga bilaabay biyo dhaamin socon doonto muddo afar bilood ah. waxaana masuliyiinta hay’adan FCA ay daboolka ka qaadeen inay mashruucan gudo galeen kadib markii xukuumada Somaliland ay ka codsatay taageerida dadkaas baahan, isla markaasna baadhitaan xoogan oo ay ku sameeyeen baahiyaha dul hoganaaya dadkan barakacayaasha ah ay ku ogaadeen inay biyahu yahiin baahida koowaad ee bulshadaas.

Waxaana hay’ada FCA ay marshuucan ku waraabin doontaa dad gaadhaya 17,100 qof oo wakhtigan ku jira xaalada biyo la’aan, isla markaasna magaalada Hargaysa oo ay biyaha ka helaan ay aad uga durugsantahay taas oo ku adkaysay inay helaan biyo nadiif ah.

Masuuliyiinta hay’dan iyo dadkan barakacayaasha ah ayaa mahad u celiyay shacabka iyo dawlada Filand oo iyagu bixiyay dhaqaalaha marshuucan biyaha lagu fulinaayo oo gaadhaya 125,000 oo dolar oo aanay ku jirin wax kharashiyaad ah.

Kulanka marshuucan xadhiga lagaga jaraayay waxa ka soo xaadiray agaasimaha guud ee wasaarada dib u dajinta Cali Maxamed Bikalo, madaxa hay’ada FCA ee Somaliland iyo Somaliya Bashiir Maxamed Xuseen, madaxa arimaha bina aadanimada ee hay’adaas Axmed Cawad. 

Ugu horayntii waxa goobtaas ka hadlay Yaasin Axmed Cali oo ah gudoomiyaha xeradaas barakacayaasha ee Maxamed Mooge waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan“ Waanu idiinka mahadcinaynaa biyahan aad noogu deeqdeen, waana baahidii koowaad intii aanu idiin sheegnay run ahaantiina waxaaan dabadhigayaa codsi inaga oo bulshadan matalaaya wakhti dheer ayaa noogu danbaysay raashin, sidaas la ajligeed waxaan codsanaynaa waxii raashin ah ee aad noo awoodaan in aad nasoo gaadhsiisaan, sidaas si lamid ah ayaanu ugu baaqaynaa hay’adaha kalena inay gargaar raashin iyo huba leh ugu deeqaan dadkan danyarta ah.”

Xidhiidhiyaha arimaha aadaminimo ee hay’ada FCA Axmed Cawad oo ka hadlaaya marshuucaas waxa uu yidhi “Maanta shantaas gaadhi ee booyadaha ah waxay dhaaminayaan maalin walba taangiyada, marshuucan waxa uu soconayaa 4-ta bishan ilaa afarta 4-ta bisha April ee sannadka dambe, waxaanu soconayaa marshuucu mudo afar bilood ah, 120kaas cisho ee isku xigana waxanu qaybin doonaa 86,400 oo foosto, waana  bilaash oo waliba shirkadaanu hishiiska la galnay waxa ay keenaysaa biyo nadiif ah oo daawaysan.”

Madaxa hay’ada FCA ee Somaliland iyo Somaliya Bashiir Maxamed Xuseen oo si mug dheer uga hadlay mashruucaas, dhaqaalaha ku baxay iyo dadka loogu talogalay tiradooda waxa uu yidhi“ Runtii maanta aniga oo ku hadlaaya afka haay’adan FCA aad ayaanu uga mabsuudsanahay in aanu bilawno mashruucan bina’aadanimo ee aadka ugu muhiimka ah dadkan danyarta ah ee ku nool xeradan Maxamed Mooge  ee duleedka magaalada Hargaysa ku taala, hay’ada FCA iyada oo ka jawaabaysa codsi uga yimi  dawlada Somaliland gaar ahaan degmadan iyo haay’adaha shaqada ku leh barakacayaashan ayay haay’adu qiimayn ku samaysay nolasha dhabta ah ee ka jirta xeradan, sahankii hay’adu samaysay waxa ka soo baxay in biyaha loo dhaamiyo xerada inkasta oo ay badan yahiin baahiyaha ka taagan xeradan,hadana waxanu tixgalinaynaa baahida koowaad oo ah biyaha ayna codsadeen dad gaadhaya 17100 qof, waxaan halkan ku dhaqan  dad u badan waayeel iyo caruur.”, wuxuu intaas raaciyay “Haddii aanu nahay FCA aad ayaanu ugu baraarugsanahay in dadka halkan ku nool waxba aanu ka kaafiyi karin marshuucan biyaha oo kaliyaata ah, waxaana  jira baahiyo tiro badan oo cunto,hoy iyo waxbarashaba leh, marhadii dawladu ay dadkan dajinayso dhul ay iyadu leedahay waxaan rajaynaynaa mustaqbalka dadkan barakacayaasha ah inuu intan aad u dhaami doono. Anaga oo ku boorinayna dawlada iyo hay’adaha arimaha bila’aadanmimada ka shaqeeya inay arimahaas si qoto dheer wax uga qabtaan, si xal waara loogu helo baahiyaha aasaasiga ah ee jira.”

Ugu danbayntii waxa uu u qaybsamahan hay’ada FCA ee Somaliland iyo Somaliya hadalkiisa ku soo gunaanday mahadnaqan“ Ugu danbayntii waxaan halkan uga mahadnaqayaa shacabka reer Filand iyo dawladooda oo lacagta ku baxaysa marshuucan oo ah 125,000 oo doolar bixiyay iyagu, waliba lacagtaas kuma jiraan wax kharash ah ee biyahaas ayaa si toos ah loogu kharsh-garaynayaa, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa dawlada Somaliland.”

Agaasimaha guud ee wasaarada dib u dajinta Cali Maxamed Bikalo oo soo xidhay furitaanka mashruucan ayaa mahadnaq balaadhan u soo jeediyay hay’adan FCA ee biyaha ku taageertay xeradan barakacayaasha ee Maxamed Mooge, waxaanu daboolka ka qaaday in xukuumada iyo dawlada hoose ay haatan u diyaariyeen barakacayaasha dhul ay dagaan waxaanu u soo jeediyay dardaarano kala duwan.