“Madaxweyne Nin Oday Ah Ayaad Tahay, Xumaan Iyo Samaan Taariikhdu Adiga Ayey Ku Raacaysa”

0
967

Picture3Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID  Fayal Cali Waraabe ayaa ka hadlay Doorashooyinka la filayo inay Sannadka dambe dalka ka dhacaan, waxaanu sheegay in aan loo dulqaadan karin in Doorashooyinka dib loo dhigo, oo Xukuumaddana muddo kordhin loo sameeyo, waxaanu tilmaamay  inay jiraan qaar ka mid ah Xildhibaanaha Golayaasha Barlamaanka inay wadaan sidii loogu sameeyn lahaa Barlamaanka iyo Xukuumadaba.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe oo Shalay Shir  jaraa’iid ku qabtay Xafiiskiisa, ayaa sidoo kale ka hadlay kulankii uu la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan  Somaliland iyo Somalia   Nicholas Kay, waxaanu ka waramay kulankoodu waxa uu ku saabsana, waxyaabihii ay ka wada hadleen iyo nuxurka Warqad qoraal ah oo uu qoray.

Faysal Cali Waraabe ayaa dhanka kale ka digay khataro uu sheegay in Garoowe ay kaga soo fool leeyihiin Somaliland iyo Somaliya, waxaanu ku baaqay in Xamar iyo Hargeysi is kaashadan, oo ay ka hor tagaan Road Map-ka lagu sameeyey Garoowe ee la doonayo in lagu baabiyo, waxaanu ugu horeyn uu hadalkiisi ku bilaabay

“Waxa aan doonaya inaan caddeeyo sababta uu Nicholas Kay dalka u yimid, waxay yidhaahdaan waa Isuduwaha Mucaawimada Somaliya, mar hore ayuu inoo yimid, marka horena lamaanu kulmin haddii aanu nahay Mucaaradka, Dawladda ayey la kulmeen, mawqifka ay Dawladdu iska taagtay  aad iyo aad ayaanu u raacsanayn, dal 22-sanno shaqaynayey oo Dawlad leh, oo nidaam shaqaynaya oo Dimuqraadiya leh iyo meel uu Dagaal ka socdo oo Maamul ka jirin  in Nin la yidhaahdo Wakiil ka wada noqo khalad ayaanu u aragnay, oo la duudsiiyo xuquuqda ay leeyihin Somaliland dadkeedu, marka madaama uu Nicholas Kay wakiil ka yahay Qaramada Midoobay, oo waxa ku jira Golaha Ammaanka oo ILLAAHAY ka socow Arrimaha Caalamka go’aamiya, inaynu dibada ka fadhino oo aynu kala go’no wey xumaatay, marka Wasiirka cusub ayaa casuumay, oo Madaxweynaha ka dhaadhiyey, waxa  lagala hadlaayey ma wixii Siyaasad ah mise wixii Dhaqaale ah, dal Siyaasad ayuu ku socda ee Siyaasad Qaramada Midoobay fulinayso kuma socdo,ee Siyaasad qorshaysan, oo qaramo oo Saddex Xisbi u maratamaan sidii Qaranimada ayaa loo wada socdaa, ee wixii waxtar ah ee Dhaqaale ah ee Qaramada Midoobay ayaanu kala hadlaynay, Xafiis Amison leedahay oo halkan laga furayo oo la siman Xafiisyadaka furan Garoowe iyo Kismaayana ma jiro, inkasta oo aan sameeyn sida guud ee loo wada shaqayn lahaa”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID mar uu ka hadlaayey Warqad qoraal ah oo ay u gudbiyeen Nicholas Kay ayaa yidhi “Anagu Nicholas Kay waxa aanu u dhiibnay Warqad aanu ku sheegayno Siyaasada uu wato Nicholas Kay ee ah in Somaliya dib loogu habeeynayo waa Siyaasad lagu sameeyey Garoowe, oo waa Road Map-kii, waxaanu salka ku haya himilooyinkii iyo fikradii Siyaasad Bare, markii Garoowe lagu shiraayey waa la diiday 18-gobol, ilaa kowdii habeenimo ayaa la soo jeeeday, weyna diideen inay saxeexaan dadkii ka soo jeeday USC, markii dambe ee la yidhi Xamar ayaa lagu shirayaa ee la urursaday Odayaasha bilaa micnaha ah, ayaa lagu saxeexay oo la marsiiyey, taasina waa ta keentay in la sameeyo wax la yidhaahdo Juba Land, taasi waa ka keentay in dad shisheeye ah la keeno oo Dawlad Juba Land la yidhaahdo lagaga baayaco, taasi waa ta socota oo la doonayo in cidii xoog weyni qaadato Somaliya, waanu u sheegnay inay taasi tahay tii laga dagaalamay, oo aanay yeelayn Somaliland iyo dadkii USC taageeri jiray,marka uu Dal dagaal ka dhaco, waxa Siyaasada dalkaas dib u dajiya Xoogaga guulaystay, Dagaalkii labaad ee Adduunka waxa Map Ciidamadii Ruushka, Faransiiska, Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa sameeyey, Somaliland iyo Somaliyana waxa ay ahayd dib u habaynta Siyaasada Somaliya inay sameeyaan USC iyo SNM, guul darada iyo hogaan xumada ku dhacday  Muqdisho iyo Hargeysa ayaa keentay inay Maanta Garoowe riyigeeda Somaliya noqoto, taasina dhici mayso, Cabdiwali iyo Ragga uu reernimada ugu urursaday Garoowe mana dhacayso in , in 18-kii Gobol ee Somaliya, ee Siyaasad Bare duudsi iyo beelnimo u sameeyey, oo Majeerteeniya oo Gobol ahayd laba Gobol ayuu ka dhigay, Jubooyinka waxa uu ka soo saaray Gobol ay reerihiisu leeyihiin oo Gado ka kow tahay, Bu’aale laba ka tahay,anaga oo Maanta dawlad haysana, Xamar oo Dawladdii ka sameeysan tahay oo USC u badan tahay, in fikrada xaq darada ah, cadaalada darada ah, dhul boobka ah  ee Garoowe lagu soo aasaasay wax dhacaya  maaha”.

Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Nicholas Kay waxa aanu u sheegnay oo kale  in waxan la wada aanay ahayn  wax Somalida u dan ah maaha, ee ay tahay  wax Somalida isku diraya,waxa aanu u sheegnay in Qarnigani aanu ahayn Qarnigii 19-aad ee Afrika la qaybsaday, ee Somaliya Shan qeybood loo qeybiyey, Anaga ayaa dhulkayga xukuna, inn Nin Ingiriis ahi intuu noo yimaado uu yidhaahdo 18-gobol ayaan Maamul Goboleedo ka sameeynaya maaha mid soconaysa, waxa aanu jecalnahay inaynu Xamar yeelano wada tashi dhaw si aanu uga hor tagno waxa inagu soo socda, waxaana Shacabka reer Somaliland kula talinaya inay midoobaan, oo Maalintii aanaynu Maxamed Siyaasad Bare la dagaalnay, Nin walba Gurigiisa ayuu dagaalkii ugu yimid, SNM sidaas  ayey ku abuurantay, waa in Maanta dadka la mideeya, Axsaabta loo yeedha, Madasha loo yeedha, si aynu uga hor tagno khatartaas Garoowe lagu maleegayo, wax alaale waxa Qaramada Midoobay u shaqayaa waa reer Garoowe, Nicholas Kay todoba jeer ayuu tagay Garoowe si ay tahay Fantikaanka uu ku soo tukaanayey, markaas waa inaynu talo ka yeelan inaga iyo Muqdisho, maxa yeelay khatarku labadeenaba wey inagu soo socotaa, inaga oo qaawan ayeynu iska celinay, imikana weynu iska celin doonaa, dalkii aynu haysanaa, Somaliya Cidanka u xooga weyn ayaanu haysanaa Maanta, Shacabkaygii ayaa jooga, Magaalooyinkaygii ayaanu joognaa, markaas Sheeko baralay Juba ka hirgashay, Somaliland ka hirgelimayso ee waxa aan leeyahay reer Muqdisho yaan la idiin khiyaamayn”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe mar wax laga weydiiyey in Nicholas Kay ay kala hadleen Doorashooyinka waxa uu ku jawaabay “Nicholas Kay iyo Qaramada Midoobay doorashadanu ma khusayso, Nin aan waxba inagu darsan in Xaabada Gudaheena uga sheekayno maaha, anagu waxa aanu diirada saarnaynay Road Map-ka lagu soo maluuqay Tuulada xun ee Garoowe ee Somaliya dusha laga saaray,in aanu keenayn xal, isaga ayaana noo sheegay inay Dawladda ay ka go’antahay in Doorashada, kana aragnoDawladda dadaalkeedii. Waxaana ka xishoonay in Nin Somaliland u fiicnayn in aanu dhaliisha Dawladda iyo wixii dhexdayda ah aanu u sheegno”,

Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey muddo kordhin ay wadaan Barlamaanku ayaa yidhi “Barlamaankan la leeyahay wuxuu Madaxweyne aynu wada durkisano, waxa aan leeyahay ayaanu jar kaa tuurin, Barlamaana  maaha Nimankan meesha iska fadhiya ee fashilmay, ee Madaxweyne Nin Oday ah ayaad tahay, xumaan iyo samaan Taariikhdu adiga ayey ku raacaysa, sidii kuwii hore ee sharciga samaystay aynu u jiidnay, kuwana waxa aanu leenahay Dimuqraadiyada Shacabka ayey ka soo hor jeedaan ee yaanay jar kaaga talaabsan, anaga ayaa keenay oo soo dooranay, Saddexda Xisbi ayaa talada iyo go’aanka sida ay Doorashooyinku u dhacayaan  iyo wakhtiga ay dhacayaan, waa inaga iyo farsamada soo baxda, laakiin Nimankan meelaha maraysanaya ee kolba Madaxtooyada  ku wareegaya eel eh caqligooda mar saddexaad ha la noo kordhiyo caqli xumaantooda iyaga oo Shan Sanno oo bilaa sharciya loo kordhiyey, waxa aanu aragnaa inay Madaxweynaha jar uga talaabsanayaan, Guurtiduna yaanay jar kaaga talaabsanin, Guurtidu haddii mar dambe ay kordhiso wax aan la isla ogelayn dhagax ayaa lagu dili doonaa, Shacabkuna ma ogola wax  aanay raali ka ahayn in la go’aamiyo”,Dawladda waxa aan kala hadlaynaa in aanay arimahaas ku kicin, oo Barlamaanka meelahaas dusdusta haya aanay Dawladda been u sheegin”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe mar wax laga weydiiyey siduu u arko in mar la wada qabto Doorashada Madaxtooyada iyo Doorashada Wakiilada, ayaa sheegay inay arintan iska arkayaan Saddexda Xisbi oo kolba sii xal loo arko lagu dhaqaaqi doono.