“Madaxweyne Muuse, Miyaad Ku Aragteen Dooddii Cigaal, Dulqaadkii Rayaale & Deeqdii Axmed-Siillaanyo”

0
598

Hargeysa (Geeska) – Xoghayaha Abaabulka iyo Wacyigelinta ee Xisbiga Waddani Cabdilaahi Jamaac Cismaan (Geel-jire), ayaa Madaxweyne Muuse Biixi u soo jeediyey dhaliilo, waxaanu tilmaamay inuu Madaxweynuhu u kala hiiliyey Madaxweynayaashii talada dalka iskaga dambeeyey, waxaanu tilmaamay in aanu is barbar dhigi karin, oo ay ka waxqabad fiicnayeen.

Xoghayaha Abaabulka iyo Wacyigelinta ee Xisbiga Waddani Cabdilaahi Jamaac Cismaan (Geel-jire), wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Shalayto (doraad), waxaa hadlay Madaxweynaha, laba khudbadood buu jeediyey, mid wuxuu jeediyey isagoo xidhan shaadhkii inaga dhexeeyey ee Madaxweynaha, wuxuu ku baaqay nabadgalyo iyo inaynu guul ka gaadhno, taas weynu raacnay, tii kale wuxuu inoo jeediyey isagoo shaadhkii Kulmiye gashan, taas ayeynu uga jawaabaynaa, markaas isku mid baynu nahay oo weynu tartamaynaye, Madaxweynuhu wuxuu isku daray oo wuu yidhi tubtoodii baan hayaa Madaxweynayaashii ka horeeyey, afar ka mid ah, isaga Cabdiraxmaan-tuur muu soo hadal qaadin, Madaxweyne malaha uma yaqaano, Madaxweynihii dalka xoreeyey malaha uma yaqaano, afartii kale ayuu soo qaaday, ILLAAHAY ina Cigaal ha u naxariisto, Daahir Rayaale iyo Siilaanyo oo saddexdaas  ayuu soo qaaday, saddexdaas wuxuu ku sheegay inuu tubtoodii hayo, aan idin weydiiyee dooddii Ina Cigaal miyaad ku aragteen Muuse Biixi, waa maya, dulqaadkii Daahir Rayaale miyaad ku aragteen, jawaabtu waa maya, deeqdii Axmed Siillaanyo miyaad ku aragteen waa maya, wuxuu yidhi waddoodii baan haya, waxaan leeyahay Madaxweyne waddoodii waad ka luntay, waddadii ma haysid, meel kale ayaad noola kacday”.

Mar uu la hadlayey Shacabka wuxuu yidhi “Dadweynahana su’aal baan weydiinayaa kuwa I daawanaya iyo kuwa joogaba afartii sanno ee uu Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha ahaa xaaladdiinu miyey ka dartay mise way ka raysay, haddii aad Ganacsade tahay jeebkoogu muu buuxsamay mise uu dhimay, cashuurtaadii may korodhay mise way yaraatay, way korodhay cashuurtii, jeebkaaguna wuu madhay, qof walbow xisaabtan maanta ayaad ka liidataa afartii sanno ee uu hayey, Madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu horumar wado, horumarkaas maynu arag, daar qabyo ah oo khayriyada Hargeysa laga wado oo wiigba mar dusha laga fulo ayeynu aragnay, horumar kale ma jiro”

 

Geeska.net/Hargeisa Office