Guddoomiyaha WADDANI Oo Layaab Ka Muujiyey, In Xisbiga KULMIYE Ee Talada Hayaa Uu Mar Kale Shacabka Cod Waydiisto

0
582

Hargeysa (Geeska) – Salaasadii Shalay oo ku beegnayd 25-ka bisha May 2021, ayaa waxa ay ahayd Maalinta koowaad ee uu ololaha doorashada u lahaa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, waxaana Taageerayaasha Xisbigaasi ay isku soo baxyo ka sameeyeen Gobollada iyo degmooyinka dalka.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Magaalada Hargeysa khudbad uga jeediyey Taageerayaasha Xisbigaasi, ayaa sheegay inay Xisbi ahaan ay Tacab badan geliyeen inay qabsoonto doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada ee foodda innagu soo haysaa, isla-markaana u dul-qaateen waxyaabo aan loo dul-qaadin karin.

Guddoomiyaha oo arrimahaa ka hadlayaa wuxuu yidhi “In doorashadu inoo qabsoonto xisbiga Waddani iyo aniga oo ah Guddoomiyaha xisbiga Waddani waxaanu galinay tacab badan, waxaanu u dulqaadanay waxyaabo badan oo aan loo dulqaateen, waxaanu muujinay samir, waxaanu muujinay dulqaad si doorashadu inoogu qabsoonto. Maanta waxaynu soo gaadhnay oo aynu u dareeraynaa in doorashooyinkii isku sidkana ee Jamhuuriyadda Somaliland inoo qabsoomaan 31-ka May”

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI waxa kale oo uu khudbaddiisa ugu soo jeediyey Xisbiga Talada Somaliland haya ee KULMIYE, waxaanu layaab ka muujiyey inuu mar kale Bulshada soo hor istaago isagoo cod waydiisanaya “Kulmiye wuxuu ina leeyahay waxaad ogtihiin in aanan waxba qaban, wuxuu ina leeyahay waxaad ogtihiin in Caasimadda Hargeysa xashiish ka buuxo, wuxuu ina leeyahay Waddooyinka Hargeysa way jajaban yihiin, haddana wuxuu ina leeyahay waykan mar saddexaad, yeeli mayno..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Kulmiye wuxuu idin yidhi Fartiina ayaad eedi doontaan, ma waxaad doonaysaan inaad fartiina eeddaan..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office