“Madaxweyne Muuse Maaha Siilaanyo. Siilaanyo Isaga Gaadhay Go’aanka Ah In Uu Xisbiga Ku Wareejiyo Ku-xigeenkiisii Ee Waajib Sharci Ah May Ahayn”

45
3199

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte oo ka tirsan golaha wakiilada iyo xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay inaanay Madaxweyne Biixi khasab ku ahayn inuu wareejiyo guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE.

Xildhibaan Rayte oo u waramay telefishanka Eryal, wuxuu sheegay inaanu jirin waajib sharci oo Madaxweynaha ku qasbaya inuu xisbiga wareejiyo.  “Madaxweyne Muuse Biixi maaha madaxweyne Siilaanyo. Madaxweyne Siilaanyo isaga gaadhay go’aanka ah in uu guddoomiye xigeenkiisii(Muuse Biixi) ku wareejiyo  ee waajib sharci ah ma ahayn, imikana maaha ee waxay ku xidhnayd  wada hadalkii ay wada hadleen Muuse iyo madaxweyne Siilaanyo oo ay ka dhalatay in uu iska wareejiyo oo awooddiisa madaxweynenimada ku eekeeyo, imikana waxaan filaya khasab maaha go’aankii madaxweynihii hore gaadhay in madaxweynahana gaadho,”

Hadalka Rayte, ayaa imanaya xilli aad loo hadal hayo in wasiirkii hore ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi uu guclo iyo orod ugu jiro in Madaxweyne Biixi ku wareejiyo guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE, sidii uu Madaxweyne Siilaanyo Muuse Biixi ugu wareejiyo sannadkii 2010.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here