Sucuudiga Oo Bilaabay Inuu Isu Soo Dhaweeyo Djibouti, Soomaaliya Iyo Imaaraadka Carabta

0
1165

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Sucuudiga ayaa bilowday qorshe ay ku dhexdhexaadinayso dawladaha Djibouti, Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya. Djibouti iyo Soomaaliya ayuu mid waliba goonidiisa uga dhexeeyaa dagaal diblomaasiyadeed dalka Imaaraadka Carabta.

Dawladda Sucuudiga ayaa qorshaynaysa inay shirka madaxda Jaamacadda Carabta oo Axadda beri ka furmi doona magaalada Damaam ee boqortooyada Sucuudiga ku kulansiiso madaxda saddexdan dal ee shirka ka soo qayb galaya.

Hordhaca kulamadaas, ayaa waxa isku arkay labada wasiir arrimo dibadeed ee Djibouti iyo Imaaraadka Carabta. Wasiirka khaarajiga Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa bartiisa twitterka wuxuu shalay ku baahiyay inuu shalay kulan kooban la yeeshay wasiirul dawlaha arrimaha dibadda ee  Imaaraadka Carabta Anwar Gargaash. Wuxuu wasiirka Djibouti sheegay inay ka wada hadleen wasiirka Imaaraadka Carabta arrinta u dhaxaysa DP world iyo Djibouti iyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa.

Geesta kale, shirkan waxa Soomaaliya uga qayb galaya wasiirka arrimaha dibadda Axmed Cawad oo hore u sheegay in Sucuudigu dhexdhexaadin doono Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. Warbaahinta Muqdisho ayaa shalay baahisay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo oo shirka Axadda ka qayb galayaa la filayo inuu halkaas kula kulmo madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheekh Khaliifa Bin Saayid Al-nahyaani, iyagoo ka wada hadli doona khilaafka u dhexeeya.

Djibouti iyo Soomaaliya ayaa wuxuu khilaafkooda Imaaraadka Carabtu siyaabo kala duwan xidhiidh iyo saamayn ula leeyahay Somaliland, gaar ahaan dekedda Berbera.

Djibouti iyo Imaaraadka Carabta ayaa isku khilaafay ka dib markii ay Djibouti laashay heshiis ay kula jirtay shirkadda DP world oo ahaa maamulka dekedaha Djibouti.  Masuuliyiin ka tirsan Djibouti ayaa eedaha ay UAE u jeediyeen wax aka mid ahaa in DP world ay maalgelinayso dekedo gobalka ku yaala oo ay ula jeedeen Somaliland.

Shirkadda DP world ee Imaaraadka Carabta iyo madaxda Imaaraadka Carabta qaar ka mid ah ayaa Djibouti u jeediyay eedo, iyagoo ugu hanjabay inay ku celin doonaa halkii hoose ee ay noloshooda kor uga soo qaadeen, sida ay ku doodeen.

Soomaaliya ayaa iyaduna bilowday dagaalka Imaaraadka Carabta ka dib markii ay DP world, heshiis saddex geesood ah horumarinta dekedda Berbera kula gashay Somaliland iyo Itoobiya. Soomaaliya oo ka cadhootay talaabadas Imaaraadka Carabta ayaa bilowday dagaalo diblomaasiyadeed oo ka dhan ah Imaaraadka Carabta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here