Madaxweyne Muuse Biixi Oo Sheegay Inaan Somaliland Ahayn Dal Kenya U Adeegsan Karto Dal Kale

0
637

Nairobi (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay ujeeddada Safarkiisa dalka Kenya iyo waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay ka wada-hadleen Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta oo ay kulan yeesheen.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu dalka Kenya u tagay inay sidii ay uga wada-hadli lahaayeen arrimaha la xidhiidha iskaashiga dhinaca amniga Gobolka Geeska Afrika, Diblumaasiyadda iyo waxyaabaha kale ee ka dhexeeya “Waa laba dal oo jaar ah (Kenya iyo Somaliland), Geeska Afrika ku wada yaalla, mid waliba uu kan kale u baahan yahay, markaa waxaan u imid in aan kobcinno wax wada qabsigayaga iyo dhinacyada dhaqaalaha, amniga, diblomaasiyadda, jaar wanaagga, nabadeynta Geeskan Afrika iyo caalamkaba..”  ayuu yidhi, Madaxweynaha Somaliland oo intaa ku daray “Uhuru waxaan ka wada-hadalnay danaha labadayada dal. Waxaan si qoto-dheer uga wada hadalnay waxyaabo badan, geeskan aynu ku nool nahay sidii uu nabad iyo horumar iyo barwaaqo u gaadhi lahaa, wixii ka dhiman iyo guud ahaan caalamkaba dhibaatooyinka ka jira iyo sidii aan uga faa`iideysan lahayn fursadaha laga yaabo inay ka jiraan caalamka iyo Geeskaba..”

Madaxweynaa Somaliland oo Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du waydiisay in safarkiisa Nairobi la xidhiidho in Kenya u adeegsanayso Soomaaliya oo khilaaf xooggani ka dhexeeyo Kenya, ayaa ku jawaabay “Malaha eraygaas la iskuma quudhi karo. tan kale Soomaali ayaynu nahay, annagu waxaan isu qabnaa in aan nahay kuwii Soomaali meel ay joogtaba wax tari lahaa ee mooyaane aan wax yeeleyn iyo bani`aadamka kaleba. Qofna ma rabno in aan dulmi ku sameyno.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay Somaliland diyaar u tahay inay dhexdhexaadiso Kenya iyo Soomaaliya, haddiise mid keliya codsato arrintaa aanay Somaliland yeeli karin “Waxa labada dal ka dhaxeeya haddii ay dhex gal waayeelnimo naga codsadaan waynu kala dhex galeynaa, in aan xallino iyaga oo wada socda, haddii dal qudha naga codsadana dhex geli mayno. Midna Kenya noo quudhi mayso kana aqbali mayno, annaguna ma nihin dad loo adeegsado dad kale.”

Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay in Dawlad kasta ay kala hadlaan Qadiyadda Ictiraaf-raadinta Somaliland “Dowlad kasta iyo cid kasta oo aynu aragno, muhiimadda koowaad waa aqoonsi oo aan nin walba kala hadalno..” ayuu yidhi.

Madaxweyne Biixi waxa kale oo uu Waraysigaasi kaga hadlay Xidhiidh ganacsi oo wanaagsan ay la leeyihiin Kenya. “Shaaha laga cabo Somaliland wuxuu badankiisu ka yimaaddaa Kenya, isla-markaana muwaadiniin badan oo Kenya u dhashay ayaa ka shaqeeyaan Somaliland. Ma u maleyneysaa in inka badan 7,000 oo Kenya u dhalatay ay Maanta Soomaalida u shaqeeyaan oo ay ku jiraan meel walba oo aqoon looga baahan yahay. Waxa laga beec-mushtareeyaa Maanta waa aqoon, waa qalab wax is weydaarsi, marka sida caalamku u wada shaqeeyo ayaan u beec-mushtareynaa..” ayuu yidhi, Madaxweynaha Somaliland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland oo khudbad dheer ka jeediyey Munaasibad Casho-sharaf ah oo Raysal-wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ugu sameeyay Magaalada Nairobi ayuu ku sheegay

Dawladda Soomaaliya ayaa Shalay shaacisay inay xidhiidhka u jartay Dawladda Kenya, taasi oo ku soo beegmaysa xilli Weftiga Jamhuuriyadda Somaliland ku sugan yihiin Nairobi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office