Madaxweyne Muuse Biixi Oo Sheegay In Somaliland Ka Faa’idaysanayso Dal Kasta Oo Soomaaliya Xidhiidhka U Jarto

0
666

Wuxuu Sheegay in Somaliland tagayso Shir IGAD ku qabanayso Jabuuti Oo ku saabsan Dacwad Soomaaliya ka gudbisay Kenya

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa Dalka Kenya aya Shalay Dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha oo isaga iyo Weftigiisa lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal ayaa ka warramay waxyaabihii ay ka wada-hadleen Madaxweyne Uhurru Kenyatta iyo Madaxda kale ee Dawladda Kenya.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu ka hadlay xidhiidhka ay Dawladda Soomaaliya u jartay Kenya, xidhiidh u jariddaasi oo ku soo beegantay xilli ay Nairobi ku sugnaayeen Weftiga Somaliland.

Ictiraafka:- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo Saxaafadda kula hadlay Garoonka diyaaradaha Hargeysa ayaa ugu horrayn ka hadlay Qadiyadda Ictiraaf-raadinta Somaliland iyo in isaga iyo Weftigiisu ay Madaxda Kenya kala hadleen ictiraafka, waxaanu yidhi “Wuu ku jiraa (in Ictiraafka laga wada-hadlay), wuxuu ku jiraa wixii labada Dal u dan ah, Qof kasta oo Xafiis siyaasadeed meel uun ka haya oo Somaliland aragto waxay waydiisanayaa maxaa Somaliland loo ictiraafi waayay. Hadalka haddii aan laga bilaabin Ictiraaf, waa Qur’aan Bisinka lagu bilaabin Cid kasta oo aanu u tagno, markaa waa laga wada-hadlay.”

Xidhiidhka Soomaaliya u jartay Kenya

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo la waydiiyey siduu u arko Xidhiidhka Dawladda Soomaaliya u jartay Kenya xilligii ay Weftiga Somaliland ku sugnaayeen Nairobi ayuu ku jawaabay “Dareenka ay la yimaaddeen (Soomaaliya) ee ah inay xidhiidhka u jaraan Qofkii aanu u tagnaba qudhayada waxay noo fureen Albaab wanaagsan, Somaliland waxay u fureen Albaab dhib yar oo Ictiraafku ku imanayo, socdaalka ayaynu badin oo kolba Dawlad ayaynu la shiri, dabadeedna taasi ayay ka tagi (Soomaaliya) 54-ka Dawladood ee (Afrikaba) way ka bixi, innaguna waynu degi doonaa, anigu sidaas baan u arkaa, innaga waxa innagu waajib ah xidhiidhka iyagaa jaray sow maaha (Soomaaliya) innagana waxa inagu waajib ah inaynu Dawlad walba la shirno oo aynu Arrinteena kala hadalno, Dawlad odhan karta arrintiina ha igala hadlinana ma jirto oo bani-aadamku wuu isku baahan yaha, markaa qoladani (Soomaaliya) hadday Nin walba ka didayaan meel walba waynu galaynaa oo waynu ka didinaynaa.”

Shirka IGAD ee Jabuuti

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu ka hadlay Shir Urur Gobolleedka IGAD dhawaan ku qabanayso Dalka Jabuuti, shirkaasi oo khuseeya Dacwad Dawladda Soomaaliya ka gudbisay Kenya, xilli Weftiga Somaliland ku sugnaayeen Nairobi.

Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in Somaliland tagayso Shirkaasi “Shirka IGAD qorshahayaga hore kumuu jirin, waxaanan u malaynayaa in IGAD ka wada-hadlayso Dacwad Qoladani (Soomaaliya) geysay oo Kenya ku saabsanaan doonta, laakiin waanu tagaynaa mid walba..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Mid walba waanu tagaynaa oo waanu ka saaraynaa (Soomaaliya)..”

Qaadka Miirooga

Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu ka jawaabay su’aal laga waydiiyey in Qaadka Miirooga Ganacsi ahaan Kenya u keenayso Somaliland, waxaanu yidhi “Somaliland wuu ka jiraa Qaadka Miiroogu oo diyaarado ayuu ku yimaaddaa, halkan Hargeysa ayuu ka soo degaa oo maynaan Mabnuucin, qolo walbana wixii ay bucsharad hayso ayay iibinaysaa..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office