Maayirka Hargeysa Oo Ka Hadlay Siduu U Arko Safarkii Madaxweynaha Somaliland Ee Maraykanka

0
505

Hargeysa (Geeska) – Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa ka hadlay safarkii shaqo ee Weftigii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku tageen dalka Maraykanka, ka dib markii ay Shalay ka soo laabteen isla-markaana lagu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa.

Maayar Cabdikariin Axmed Mooge oo khudbad ka jeediyey Fagaare lagu soo dhaweeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Weftiga Madaxweynuhu ay fagaareyaasha Caalamiga ah geeyeen Qadiyadda Somaliland, wakhti dhawna la arki doono Somaliland oo la aqoonsaday “Madaxweyne, Shacabkani waxay ku leeyihiin ku soo dhawow Dalkaaga, waxay ku leeyihiin ku soo dhawow Jacayl. Madaxweyne Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland waxay leeyihiin ku soo dhawow sidaad u kor yeesheen Magaca Somaliland ee aad u geyseen fagaareyaasha Qadiyaddooda, Madaxweyne idinkana sidaa ha idiin kor yeelo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Qarankana maalin maalmaha ka mid ah ayuu noqon doonaa mid Adduunka laga ictiraafsan yahay, Adigana waxaan Alle kuu waydiinayaa inuu kugu simo Somaliland oo la aqoonsaday, Madaxweyne soo dhowow, Safarkaagu guul buu ahaa, guul aan la qarin Karin buu ahaa..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office