Madaxweyne Muuse Biixi Oo Caddeeyay Ujeeddada Uu Ka Leeyahay Safarrada Uu Gobollada Dalka Ku Marayo

0
229

Hargeysa (Geeska) – Madaxwynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa shalay lagu soo dhaweeyay Magaalada Sallaxley.

Madaxweyne Muuse Biixi oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyay degmada Sallaxley, ayaa sheegay inay laba ujeeddo u marayaan gobollada dalka, kuwaasi oo kala ah

difaaca Qaranka iyo doorashada “Ujeeddada socdaalkayga iyo waxa aanu dalka u wareegayno ee aanu dadka u sheegaynaa waa laba qodob, difaaca dalku waa kow iyo doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu tartamo oo kolba keena loo codeeyaa uu dalka ku qabto..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu u mahad-naqay dadka soo dhaweeyay ee degmada Sallaxley.