Madaxweyne Geele Oo Ka Hadlay Shirka Dalkiisa Uu Ugu Qabanayo Madaxweyne Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo

0
651

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele ayaa ku dhawaaqay inuu maanta shirguddoomin doono kulan dhex maraya Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxmed Cabdillaahi Farmaajo.

Qoraal uu ku baahiyay Madaxweyne Geele, barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu ku sheegay inuu sidoo kale shirka ku casuumay Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed. Qoraalka Madaxweyne Geele wuxuu u dhignaa sidan  “Berito [Maanta] waxaan Djibouti ku shir guddoomin doonaa kulan dhex mari doona Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si loo sii ambo qaado  dedaaladii dhexdhexaadinta ee labada hoggaamiye. Waxaan sidoo kale martiqaaday Raysalwasaare Abiye Axmed si uu uga qayb galo wada hadalada.”

Madaxweyne Biixi oo hoggaaminaya wefti culus ayaa la filayaa inuu maanta ka ambo-baxo caasimadda Hargeysa. Weftiga Madaxweyne Biixi ayaa kala ah:

  1. Guddoomiyaha golaha guurtida Saleban Maxamuud Aadan
  2. Wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Xaaji Faratoon
  3. Marwo Edna Aden Ismaaciil
  4. Wasiirka xanaanada xoolaha Siciid Sulub Maxamed
  5. Wasiirka ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad
  6. Dr. Maxamed Biixi Yoonis

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa isna maanta ka ambo baxaya magaalada Muqdisho.