Madaxweyne Geele Oo Ka Hadlay Saldhigyada Milatari Ee Dalkiisa

22
3992

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele, ayaa sheegay in dalalka ku leh saldhigyada milatari dalkiisa Djibouti, aanay ahayn qaar u socda istaraataji iyo tartan ee ay u joogaan Djibouti arrimaha ammaanka iyo nabadgelyada gobalka. “Saldhigyadayadu waxay la dagaalamaan argagixisada.” Ayuu yidhi.

Madaxweyne Geele oo dalka Sucuudiga oo uu kaga qayb galay shirkii madaxda Carabta ugu waramay wargeyska Al Sharqal Awsat, ayaa yidhi “Ujeedadoodu maaha inay tartan caalami ah ka abuurayaan oo ku salaysan dhaqaale iyo dano istaraatajiyadeed, ee waxa weeye la dagaalanka argagixisada iyo budhcad badeeda.” Ayuu yidhi Madaxweyne Geele oo sheegay inaanay saldhigyadu dhib nabadgelyo darro ahayn, waxaanu intaas raaciyay “Waxaanu ku faraxsanahay inaanu ka shaqaynano  ammaanka, dgenaanshaha iyo horumarka dalkayaga.”

Isagoo madaxweyne Geele, hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Waxaanu rajaynaynaa inaanu door muhiim ah ka ciyaarno geeska afrika iyo bariga afrika si loo gaadho dhaqaale sugan iyo degenaansnaho siyaasadeed.”

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda ay ku suganyihiin dalal Carbeed oo badani sida Soomaaliya, Ciraaq, Suuriya, Yemen iyo Liibiya iyo weliba Falastiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here