Madaxweynaha Puntland Oo Farmaajo Kaga Baxay Dagaalka Diblomaasiyadeed Ee Imaaraadka Carabta, Kuna Dooday Inaanu Cidna Ku Bedelanayn UAE

30
3378

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa u muuqda inuu dawladda Farmaajo kaga baxay in dagaal diblomaasiyadeed lagu qaado Imaaraadka Carabta, waxaanu sheegay inaanay jirin cid ay Puntland ku bedelan karto Imaaradka Carabta.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa ka codsaday Imaaratka Carabta inay sii wadaan taagerada ay u fidinayaan maamulkiisa, waxaanu beeniyay in Imaaraadka Carabtu ka baxay Puntland.  “Waxaan idiin sheegayaa in aan dawladda Imaraadka ka codsanay in ay sii wadaan tageeradda iyo tababaridda ciidankayaga badda iyadoo lasii xoojinayo gacan siinta mashruuca,waxaad lasocotaan in dawladda imaraadku Puntland ka wadaan mashariic dhaqaale badan galayo,majirto cid noo badelaysa booska ay noo jogaan imaraadku,mana jirto cid noola siman.” Ayuu yidhi Cabdiweli Cali Gaas.

Hadalka Madaxweynaha Puntland, ayaa imanaya iyadoo ay dawladda Soomaaliya dagaal diblomaasiyadeed ku qaaday dawlada Imaaraadka Carabta.

Dalka Imaaraatka Carabta ayaa Axaddii shalay sheegay inuu joojiyay tababaradii uu siin jiray ciidammada dawladda Farmaajo ee Soomaaliya taasoo loo qaatay inay jawaab u tahay dhacdadii dhawaan ay dawladda Soomaaliya ku qabatay diyaarad waday malaayiin doolar.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Imaaraatka Carabta isla markaana lagu daabacay wakaaladda wararka ee WAM ayaa lagu sheegay in dawladda Imaaraatka Carabta ay joojisay tababarkii ciidamada dowladda   Soomaaliya, kaas oo soo bilowday sanadkii 2014-ka ujeedkiisuna ahaa sidii loo kordhin lahaa tayada ciidanka.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ka soo baxay Imaaraatka Carabta ayaa lagu sheegay in go’aankaasi uu yimid kadib markii ciidmada Soomaaliya qabsadeen diyaarad saarnayd lacag loogu tala galay in lagu bixiyo mushaarka ciidan ay UAE tababari jirtay.

Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa dhanka kale sheegtay in ay sii wadi doonto taageerada ay siiso ciidamada badda Puntland si kor loogu qaado awooda ciidmada u leeyihiin la dagaalanka kooxaha budhcad badeeda ah, taas oo ay kala shaqeenayaan beesha caalamka kuwooda taageera dalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here