Madaxweyne Geele Oo Ka Hadlay Kulankii Uu La Yeeshay Madaxweyne Biixi Iyo Waxyaabaha Ay Isla Garteen

53
3675

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele, ayaa ka hadlay waxyaabihii ay ka wada hadleen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo dhawaan socdaal ku tagay wadanka Djibouti.

Madaxweyne Geele oo u waramay weriye Cabdisalaan Hereri oo ka tirsan Telefishanka Universal, wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi oo uu sheegay inuu ku koray dalka Djibouti uu yahay nin fahmaya wax badan maadaama oo aanu wadanka ka bixin islamarkaana ahaa halgamaa. Madaxweyne Geele oo la weydiiyay waxyaabaha cusub ee ay ka wada hadleen markii uu dhawaan la kulmay Madaxweyne Biixi wuxuu madaxweynaha Djibouti yidhi “Waxaan ka wada hadalnay wax wada qabsigii, isagu Muuse waa nin Djibouti ku koray, oo waa nin fahmaya, halgamaana ahaan jiray, jiiddana yaqaanay, wadankana si fiican u yaqaan oo aan ka bixin, niyad samidisiia iyo dedaalka uu doonayo inuu galo Alle hala qabtee. Anaguna waxaan is tusnay inaan la shaqayno wixii aan wada qabsan karaynana aan wada qabsano.” sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here