Madaxweyne Geele Oo Ereteriya Ku Tilmaamay Fitnada Gobalka

0
608

Jabuuti, (Geeska)- Madaxweynaha dalka Jabuuti, Mudane, Ismaaciil Cumar Geele ayaa dawladda Ereteriya ku eedeeyay inay qas iyo jahawareer ka waddo gobalka Geeska Afrika.

ismaaciil-cumar-geele-new1

Madaxweyne Geele, oo toddobaadkan markii uu golaha ammaanku codka u qaadayay xoojinta cunaqabataynta Ereteriya, jeediyay khudbad uu si toos ah uga diray Djibouti, wuxuu Ereteriya ku eedeeyay inay Ereteriya jebisay waxyaabo badan oo la doonayay in lagu xaliyo khilaafka ka dhex oogan Djibouti iyo Ereteriya.

 Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlayey arrintaas ayaa ku bilaabay hadalkiisa, “ ilaa markii aanu kala kulanay daandaansiga, xukuumada Eretariya waxay iska indho tiraysay sidii arrintaa xal waara looga gaadhi lahaa. Xukuumada Jabuuti way  soo dhoweysay heshiiskii dhexdhexaadinta ee lagu saxeexay 2010 dalka Qadar, laakiin nasiibdaro, saxeexii dhexdhexaadintaa waxba kama bedelin fikirkii Eritrea, isla markaana waxay sii wadeen afduubida iyo qasab ku tababarida dhalinyaro Jabuutiyaan ah si ay weeraro argagaxiso uga fuliyaan dalka Jabuuti. Xukuumadu marna ka ogolaan mayso Eritrea inay weerarada noocaa ah qorsheeyaan, waxaanan qabanay dad doonayey inay falalkaa fuliyaan, sidoo kale waxaan qabanay hub Eritrea soo dirtay, warkaana waanu gaadhsiinay (IGAD), iyo UN-ta.”

Ismaaciil Cumar Geele oo hadalkiisa sii wata ayaa raaciyey, “Inkastoo qodobka 19 ee heshiiskaasi dhigayey in qolo walba bixiyaan macluumaadka 19 askari oo la waayey, weli ma ogolaan Eritrea. Dhinacayaga, Jabuuti, waxay la kulminaysaa (ICRC) askartii Eritrea ee laga cararay. Inkastoo laba askar Jabuutiyaan ah oo la haystay ilaa June 2008, ka soo baxsadeen xabsigii lagu hayey ee Eritrea, wararka 17 kale ayaan weli la hayn, waxaanu soo jeediyey in shuruud la’aan lagu sii daayo,”

Eritrea waxay halis ku tahay amaanka iyo xasiloonida caalamka, waxaanu  u soo jeediyey xubnaha golaha amaanka iyo urur goboleedyada kale inay taageeraan cunaqabatayntan cusub, maadaama Eritrea waxba ku qaadan weyday cunaqabatnihii hore. “