Madaxweyne Biixi Oo U Sacabo Tumay Heshiiska Dhex Maray Itoobiya Iyo Ereteriya

43
2766

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa u sacabo tumay heshiiska nabadeed ee dhex maray wadamada Itoobiya iyo Ereteriya.

Madaxweyne Biixi, oo qoraal kooban ku baahiyay twitterkiisa, wuxuu sheegay in isbedelkaasi yahay mid taariikheed, “Jamhuuriyadda Somaliland waxay bogaadinaysaa oo ay u sacabo tumaysaa in Itoobiya iyo Ereteriya wada jir u saxeexeen nabad, heshiis saaxiibtinimo oo ay ku dhawaaqeen in xaaladii dagaal dhammaatay.” Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi oo intaas raaciyay, “Waa talaabo taariikhi ah oo tusaale ah. Waxay ka qayb qaadanaysaa degenaanshaha iyo nabadda guud ahaan gobalka Geeska Afrika.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here