Imaaraadka Oo Sheegay In Uu Ka Shaqaynta Horumarinta Jabuuti Iyo Somaliland Uu Geeska Afrika Kaga Kasbaday Ixtiraam

0
11172

Abu Dhabi (Geeska)- Wasiirudawlaha arrimaha dibadda ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, Dr. Anwar Bin Muxammed Qarqaash ayaa caddeeyey in Imaaraadka Carabta xidhiidhadiisa Geeska Afrika ay yihiin kuwo togan oo uu maamuus iyo ixtiraam ku kasbaday. Xidhiidhada uu wasiir Anwar Qarqaash sheegay in uu dalkiisu ku noqday jaal la xurmeeyo, ayaa waxaa ka mid ah maalgashiga ay dawladda Imaaraadka Carabtu ka samaysay dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa uu wasiirku sheegay in la macaamilka gobalka Geeska Afrika ay tahay arrin khatarteeda iyo fursadaheedu isbarbar yaallaan, laakiin muhiimadda uu gobalkani u leeyahay dunida Carabtu ay qasab ka dhigayso in ay xidhiidh fiican iyo la macaamil togan la yeelato.

Waxa kale oo uu wasiirku si dadban u iftiimiyey kaalinta ay dawladdiisu ku lahayd isu soo dhowaanshiyaha dalalka Ereteriya iyo Itoobiya oo muddo labaatan sano ah colaad dhiig badani ku daatay u dhexeysay.

Wasiirka oo hadalladan ku faafiyey barta uu ku leeyahay shabakadda bulshadu ku xidhiidho ee Twitter ka oo uu si aad ah wararkiisa ugu faafiyo, ayaa waxa uu ugu horreyn ka hadlaya arrinta khatarta iyo fursadaha is-barbar yaalla uu ku sheegay ee gobalka Geeska Afrika, isaga oo qoray, “Dabcan, xidhiidh siyaasi ah oo lala yeesho Geeska Afrika waxaa ku ladhan khataro iyo fursado is barkan. Laakiin ku xidhnaanta gobalkani waxa ay lagama maarmaan u tahay amniga iyo horumarka dunideenna carabta” Wasiir Qarqaash waxa uu intaas ku sii daray, “Siyaasadda Imaaraadka ee ku dhisan macaamil waqti dheer ah oo xaqiiqada ku fadhiya ayaa maamuus iyo ixtiraam ka kasbaday gobalka Geeska iyo dunidaba”

Wasiir Qarqaash oo weli soo wada qoraalladiisa uu arrimahan kaga hadlayo ayaa mar kale qoray, “Shaqo adag oo aan sannado badan ku taageeraynay xasiloonida, la dagaalanka argagaxisada, iyo budhcad badeedda Soomaaliya, iyo dadaallo horumarineed oo aanu ka geysannay Jabbuuti iyo Somaliland, iyo sida oo kale xidhiidhka siyaasiga ah ee aanu ka dhex samaynay Itoobiya iyo Ereteriya, waxa uu imaaraadku ku kasbaday in uu noqdo saaxiib laga qaddariyo Geeska Afrika, hormuudna ka ah, joogitaanka Carbeed ee gobalkan muhiimka ah”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here