Dawladda Soomaaliya Oo Kenya Uga Cabatay Qoraal Ay Nayrobi Ka Soo Saartay Kulan Dhex Maray Wasiirka Khaarajiga Somaliland Iyo Agaasimaha Guud Ee Arrimaha Dibadda Kenya

0
711

Hargeysa(Geeska)-Dawlada Soomaaliya ayaa dawladda Kenya uga cabatay qoraal at wasaaradda arrimaha dibadda Kenya uu baahisay, kaas oo ku saabsanaa kulan dhex maray wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon iyo agaasimaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa kulankaas ka dib waxay twitterkeeda ku baahisay qoraal u dhignaa sidan, “Agaasime Macharia Kamau wuxuu galabta wada hadal la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamed. Labada dhinac waxay ka wada hadleen arrimo khuseeye danaha labada wadan iyo siyaabaha loo sii xoojin karo iskaashiga.”

Dawladda Soomaaliya ayaa u muuqata inay ka cadhootay ereyada ay dawladda Kenya u isticmaashay kulanka dhex maray masuulka Somaliland iyo midka Kenya oo ahaa “Laba wadan.”

Dawladda Soomaaliya

Hase yeeshee dawladda Soomaaliya ayaa kulankaas ka dib waxay u yeedhay safiirka Kenya u fadhiya Muqdisho Lucas Tumbo, oo ay uga cabatay kulankaas iyo ereyo ku jiray qoraalka ay dawladda Kenya kulankaas ka dib ku baahisay twitterka wasaaradda khaarajiga ee Kenya iyadoo safiirka u dhiibtay warqad cabasho ah oo ku socota dawladda Kenya, waxaana qoraalka ay wasaaradda khaarajiga ee Soomaaliya shalay soo saartay ay ku tidhi sidan “Maalintii shalay ee Axadda, kuna beegnayd (30 June), Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay u yeedhay Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Lucas Tumbo, waxaana loo dhiibay dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah farriin col abuur ah oo lagu baahiyay Twitter 27 June 2019, kana timid Xoghayaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Mudane Macharia Kamau. Waxa aan u aragnaa farriintaasi lagu faafiyay Twitter-ka mid meel ka dhac ku ah madax banaanida Soomaaliya, midnimadeeda iyo bedqabka dhuleeda, sidoo kale waxa ay dhaawacaysaa xidhiidhka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Soomaaliya waxa ay u taagantahay deris wanaagga, xushmad is weydaarsiga iyo iskaashiga dhow ee kala dhexeeya wadamada deriskeeda ah, sidaas si la mid ah ayay ka rajaynaysaa Kenya.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here