Madaxweyne Biixi Oo Sheegay In Doorashada Soo Socotaa Ka Madax-bannaan Tahay Gacmihii Shisheeye Ee Dhaqaalaha Bixin Jiray

0
734

 

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shalay kulan loogu diyaargaroobayo, laguna dardargelinayo doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee badhtamaha sannadkan qorshaysan la qaatay badhasaabada iyo maayarrada degmooyinka kala duwan ee dalka.

Kulankan oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, isla-markaana ay qayb ka ahaayeen madaxda wasaaradda arrimaha guduhu, ayuu madaxweynuhu ku daah-furay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo salka ku haysa muhiimadda ay leedahay in xukuumaddu ka diyaar garowdo doorashooyinka soo socda, shuruucda doorashooyinka loo dhigayna ku ilaaliso cid kasta oo masuuliyad ummadeed haysa, damacna kaga jiro inay mar kale isa soo sharraxdo.

Madaxweynuhu waxa uu ugu horrayn shaaciyey in qaranku gelayo doorasho uu dhaqaaleheeda iyo fikirkeedaba u madax-bannaan tahay oo ay ku filnaatay, isla-markaana baahi badan loo qabo in wada-jir looga wada hawlgalo abuurista jawi ku habboon in doorashooyin hufani dalka ka qabsoomaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu tilmaamay inay xukuumadda dhexe ka go’an tahay sidii ay hantida qaranka uga ilaalin lahayd in loo isticmaalo ololeyaasha doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, maayarrada sharraxanina ay ula sinnaan lahaayeen murrashixiinta kale ee aan gacanta ku haynin xil qaran, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa inagu waajib ah haddii aynnu dawladda dhexe nahay inaynu ka ilaalino qofka doorashada gelayaa wixii qaranka inuu u isticmaalo qof kale, markaa ninkii tartanka gelayaa ama maayar ha ahaado ama Baarlamaan ha ahaadee mar haddii uu doorasho gelayo wuxuu la sinmayaa walaalladiisaa uu doorashada la gelaayo, xagga awoodda hantida iyo awooddii uu lahaaba.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xaaladda kala-guurka ah ee la gelayo xilligan doorashooyinku soo socdaan, ay badhasaabbada gobolladu masuul ka noqon doonaan ilaalinta shuruucda doorashooyinka iyo dhawrista xuquuqda murrashixiinta,“Mar haddii kala-guur la gelaayo masuuliyadda koowaad dawladda dhexe ayey saaran tahay, markaa waxa la rabaa ninkii murrashaxa ahaa haddii uu Baarlamankii yahay iyo haddii uu dawladihii hoose yahay, laba xaq baa lagu leeyahay oo ah isaga in xaqiisa la ilaaliyo, isaguna ninkii awood hayey marka uu murashax yahay inuu awooddii ula sinnaado kuwa kale, dawladda dhexaana laga rabaa inay taas ku ilaaliso, gobollada waxa ka wakiil ah badhasaabadda,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanu intaa ku daray “Waxaynu galaynaa doorashadii ugu horraysay ee aynu innagu is maamulayno, Talo ahaan, dhaqaale ahaan, markaa Cadow badana waynu leenahay oo Xagal-daacin u baahan, markaa waa arrin Taariikhi ah, dalkuna wuxuu galay Xaalad doorasho .”

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu baaqay cid kasta oo hunguri ka hayo inay isu sharraxdo doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka inay xil weyn iska saarto ilaalinta shuruucda doorashooyinka, amniga iyo wada-jirka bulshadana dhawraan.

Ugu dambayn, Doorashada soo socota oo loo muddeeyay inay dalka ka qabsoonto 31-ka Bisha May ee sannadkan, ayaa noqonaysa tii koowaad ee Somaliland ay dhaqaalaheeda iska bixinayso, halka doorashooyinkii hore ay gacan ka geysan jireen Dawladaha reer Galbeedku.

 

Geeska.net/Hargeisa Office