Faysal Cali Waraabe Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ku Eedeeyay ‘Aqoon La’aan Xagga Sharciga Ah’

0
608

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaanu si gaar ah ugu dhaliilay kulankii uu ku qabtay Madaxtooyada ee uu tallooyinka ugu soo jeedinayey Maayarada dalka, waxaanu xusay in loo baahnaa inuu soo saaro wareegto uu xilalka kaga qaadayo, balse aan loo baahnayn inuu la dardaarmo, una duceeyo.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sidoo kale sheegay in laba musharax oo Xisbigiisa ka sharaxan in la xidhay, waxaanu ugu horeyn hadalkiisii ku bilaabay“Doorashadani wakhti badan bay qaadatay, muran badan bay gashay oo waxaan lagu murmin baanu ku muranay, Komishanka ma toddoba ayaanu ka dhignaa, ma sagaal baanu ka dhignaa, ma Riyo-raac baanu daynaa, ma Riyo-raac baanu erinaa, ayaa wakhti naga qaadatay, waanu ogolaanay markii dambe si ay Doorasho inoogu dhacdo, imika waxaa la yidhaahdaa Xisbiyada mucaarad ma jiraan, waxaanu ka baqayney haddii aanu Madaxweyne Muuse mucaaridno inaanu isku habsaano oo waxaanu ka baqanay anagoo isku ururan inuu dalku dumo, waxaanu garanay in aanu u sii dayno wakhtigiisa, bal sidii uu doonayo inuu dalka u maamulo.”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay “Laba dhacdo aan hore u jiri jirin baa dhacay, Agaasimaha Komishanku muu ahayn nin siyaasadeed, booskaas waa la xaysiin jiray, imtaxaan baa loo gali jiray, qofkii ku soo baxa ayaana heli jiray, wuxuu soo magacaabay nin waagaas Xoghayihii Wasiirrada ayuu soo magacaabay oo uu geeyey Komishinka, ta kale waad ogeydeen wixii Riyo-raac ka dhacay iyana waanu iska aamusnay”. Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka hadlay “Waxaa dhacday Laba Musharax oo UCID ah inay RRU iska xidhay, waliba mid ahaana waa Ingiriis, oo wuxuu haystaa Baasaaboor British ah, saaka ayey ila soo hadlayeen Ingiriisku (Shalay), Madaxweynuhu markii uu ka hadlaayey Maayarada iyo Badhasaabada, wuxuu lahaa xuquuqda Musharaxa ha la ilaaliyo, isla shalayna laba ayuu xidhay, waxaan leeyahay Madaxweyne si fiican baad u wadaa Doorashada, Diiwaangelinta, oo kharashkii baad bixisay, magac baynu ku helnay, ha inaga dhooqayn ee soo daa dhalinyarta, haddii kale waxay noqonaysaa inaynu wanaagiini xumayno”

Mar uu ka hadlaayey kulankii uu Madaxweynuhu ku qabtay Madaxtooyada wuxuu yidhi “Madaxweynuhu markii uu yeedhay Maayarada, waxay ahayd inuu yidhaahdo Maayarada wakhtigii uu idiinka dhammaaday, ee faraha ka qaada oo Xafiisyada ka baxa, wuxuu yidhi iska fadhiya, waxaa idin ilaalinaya Badhasaabka iyo Hanti-dhawarka, taasina meesha ma qabato, waxay ahayd inuu soo saaro wareegto oo uu yidhaahdo Maayarada tartanka ku jiroow wakhtigiinii horena wuu dhacay, imikana waxaad tihiin musharixin xilkaas waxaa qabanaya Xoghayaha dawladda hoose, laakiin inuu yidhaahdo duco qaata, Adduunka laguma wado, ee sharci baa adduunka lagu wadaa, nidaam dawladeed baa lagu wadaa ee duco iyo dardaaran laguma wado, imikana waxaanu leeyahay Maayarada Musharixiinta ahi xilka ha wareejinayaan Madaxweyne, Madaxweynuhu wuxuu yidhi dambi may lahayn, ee inaga ayaa doorasho qaban wayney, laakiin xilkoodu shan sanno ayuu ahaa, waxaan u aqaanay askartu inay sharciga ilaaliso, dee  malaha isagu duuliye ayuu ahaayoo  sharciga ma yaqaano ayaan u malaaynayaa”

 

Geeska.net/Hargeisa Office