Madaxweyne Biixi Oo Muddeeyay Xilliga Diwaangelinta Cod-bixiyeyaashu Dalka Ka Bilaabmayso

0
427

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Shalay Xeer Madaxweyne ku go’aamiyey Wakhtiga Komiishanku uu Dalka ka bilaabayo Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka JSL.

Madaxweynaha ayaa go’aamiyey in Diwaangelinta Cod-bixiyeyaashu ay dalka ka bilaabanto 29-ka bishan aynu ku jirno ee November, 2020.
Sidaana waxa lagu sheegay Xeer Madaxweyne oo u qornaa sidan:-
XEER MADAXWEYNE
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XM/249-574/112020, uu ku dhaqan-geliyey maalinta la bilaabayo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka.
Waxaanu u dhignayd Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-
Xeer Madaxweyne Lr. 09/112020
Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 44aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Xeer Lr. 91/2020;
Markaan Tix-geliyey: Qoraalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/076/2020, kuna taariikhaysan 28/10/20;
Markaan Dersay: Soo-jeedinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Wakhtiga Qabashada Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha;
Waxaan Go’aamiyey;
In Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinku ka bilaabanto Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Axadda ee taariikhdu tahay 29/11/2020.”

A LLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.