“Nebigeena Muxamed (CSW) Waxaa Inagu Waajib Ah Inaynu Af & Adinba Ugu Dagalaano” Cod-yare

0
527

Hargeysa (Geeska) – Siyaasi Xasan Xuseen Maxamed (Cod-yare), oo ka mid ah Masuuliyiinta sare ee Xisbiga mucaaradka ee Waddani, ayaa ku baaqay in af iyo adinba loogu hiiliyo Nebi Muxamed (N.N.K.H), waxaanu xusay in ALLE karamaayey Nebiga, cid wax ka qaadi kartaana aanay jirin, laakiin Muslimiinta looga baahan yahay inay muujiyaan taageerada iyo jacaylka ay Nebigooda u qabaan.

Siyaasi Xasan Xuseen Maxamed (Codyare), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Nebigeena Muxamed waxaa inagu waajib ah inaynu af iyo adinba ugu dagalaano, Burco ayaa si fiican oo loo baahan yahay u muujisay taageerada Nebigeena iyo inay ka soo hor jeedaan Madaxweynaha Faransiisku khaladka uu ku kacay, dalka oo dhan in laga muujiyo taageerada iyo jacaylka aynu Nebigeena u hayno weeye kolay Madaxweynaha Faransiisku xumaantiisa ayuu caddaystay, sharafta, cisiga iyo karamaada uu ALLE siiyey Nebigana waxba ma yeeli karo, Nebigana sawir gacmeed iyo caytoona waxba lagaga qaadi maayo, maxaa yeelay ILLAAHAY oo koonka abuurtay, ayaa Nebi Muxamed ka doortay ummaddiisa, laakiin haddii aynu inagu nahay Muslimiin, inaynu ka dhiidhino wax kasta oo laga sheegayo diinteena iyo nebigeena ayaa loo baahan yahay, maxaa yeelay muuminiintu waa isku mid, way isku damqanayaan, markaas inaynu u damqano wax walba oo diinteena iyo nebigeena wax lagu yeelayo ayaa la inooga baahan yahay”

Geeska.net/Hargeisa Office