Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay Lix Masuul Oo Isugu Jira Agaasimayaal Iyo Guddoomiyayaal Hay’adeed

54
4163

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay gelinkii dambe sameeyay magacaabis ka kooban masuuliyiin kala duwan.

Madaxweyne Biixi, wareegto madaxweyne oo uu soo saaray ku magacaabay lix masuul oo isugu jira agaasimayaal guud, hay’ado madaxbanaan oo cusub, hantidhawraha guud ee qaranka iyo masuuliyiin kale. Wareegtada madaxweynaha ayaa u qornayd sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta [shalay] wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-15/012018 ku magacaabay, masuuliyiintan.

Madaxweynuhu:       

Markaan

Arkay:  Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafaha (b), (kh) iyo (sh);

Markaan

Arkay:    Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda Shaqo;

Markaan ku Qancay:          In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:            La-tashi Ballaadhan;

 Waxaan Go’aamiyey:

 In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

Geesta kale, madaxweyne Biixi wuxuu isla shalay soo saaray wareegtadan xeer nidaamiyaha ah, waxaanu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta [shalay] xeer madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/XM/249-11/012018  uu ka soo saaray Xeer-Nidaamiyaha, Dhismaha Wasaaradaha Iyo Hay’adaha gaarka ah ee Xukuumadda, kaasoo qeexaya

  1. Wasaaradaha la isku-raray xilkoodii iyo waajibaadkooda shaqo,
  2. Hay’adaha madaxa-banaan ee wasaaradaha lagu daray oo ka mid noqonaya waaxo ka mida wasaaraddaha lagu daray,
  3. Wasaaraddaha loo bedelay hay’ad madax-banaan sida:- wasaaraddii hore ee Dib-u-dejinta oo loo bedelay hay’ad madax-banaan oo la yidhaahdo hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.
  4. Hay’adaha Madaxa banaan ee iyaga laftooda la isku daray iyo
  5. Xilka iyo Waajibaadka shaqo ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-banaani ay ku shaqaynayaan oo la qeexay.

Madaxweynuhu:   

Markaan Arkay; Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 104 faqradiisa 1aad ee Xeerka Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan Xeer Lr.71/2015, oo dhigaya in dhismaha wasaaradaha, habka iyo hannaankooda xil-gudasho, uu Xeer Madaxweyne ku soo saarayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland;

Markaan Arkay; Qodobka 18aad ee Xeer Lr.71/2015 oo qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo isticmaalaya awoodihiisa xeereed uu u qoondaynayo  xukuumadda iyo laameheeda shaqooyinka;

Markaan Ku Qancay; Muhiimada ay leedahay in xilalka laysu raaciyo hab la maamuli karo, si looga hortago habaca iyo kala daadsanaanta shaqada, iyo is-dul-fuulka xilalka iyo waajibaadyada haya’daha xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 18aad, farqadihiisa 2aad, 3aad iyo 4aad ee Xeer Lr.71/2015;

Markaan Go’aansaday; In ay xukuumaddu yeelato wasaaradaha lagama maarmaanka u ah xil gudashadooda, iyada oo laga duulayo siyaasadda guud ee xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 26aad ee Xeer Lr.71/2015;

Waxaan Soo-saaray

Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha Xukuumadda ee Xeer Nidaamiye Lr. 01/2018.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here