Hargeysa (Geeska)- Madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto madaxwayne oo uu soo saaray Salaasadda 25-ka Juun ku sheegay in uu laalay, islamarkaana uu ka noqday go’aankii uu dhowaan xaaladda deg deg ah ku geliyey degmooyinka Ceel-afwayn, Gar-adag iyo Ceerigaabo oo ka tirsan gobolka Sanaag.
Golaha Wakiilada Somaliland ayaa si weyn uga horyimi ansaxinta xaalada deg dega ahayd ee Sanaag, taas oo curyaamisay wareegtada Madaxweynaha. Waxaana codayn kala dhinnayd oo golaha wakiillada ka dhacdayna ay muujinaysay in tirada ugu badan ee xildhibaannada Goluhu ay diideen.
Wareegtadan oo uu madaxweyne Biixi ku socodsiiyey shirgudoonka labada gole ee Baarlamaanka Somaliland, wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka gaashandhiga iyo taliyayaasha ciidamada Somaliland, waxa uu ku sheegay in ciidamada Somaliland ay ku guulaysteen soo qabashada dadkii ku lug lahaa dilkii labada sarkaal ee ciidamada ka tirsanaa ee ka dhacay degmada Ceel-Afweyn, Sida oo kalana lagu guulaystay dejinta gacan-ku-qabashada xaaladda nabadgelyo darro ee ka dhacday degmadaas, sidaa awgeed uu go’aansaday in uu joojiyo xukunka degdegga ah.
Isaga oo ballanqaaday in dhamaan dadkii geystay falka dilka labada sarkaal iyo cid kaste oo ku lug lahayd sida ugu dhakhsaha badan loo horkeeni doono sharciga.
Waxa xusid mudan in go’aankan uu madaxweynuhu ka noqday ee xukunka degdegga ah ay hore uga soo horjeesteen xisbiyada mucaaradka ee Somaliland.
Wareegto Madaxweynaha ayaa u dhignayd sidan.
Ujeedo: Laalis Xaalad Deg-deg ah
Ku: Shir-guddoonka Golaha Guurtida
Hargeysa
Ku: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada
Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga
Hargeysa
Ku: Taliyayaasha Ciidammada Qaranka \
Hargeysa
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 92aad;
Markaan Arkay: In lagu guulaystay dejinta iyo gacan ku qabashada xaaladdii nabad-gelyo darro ee ka dhacday Degmadda Ceel Afweyn;
Markaan Arkay: In Ciidammada Qaranku ay gacanta ku soo dhigeen ciddii gaysatay iyo dhammaan dadkii ku lugta lahaa falalkii foosha xumaa ee lagu dilay saraakiishii Ciidammada Qaranka iyo dilalkii kale ee ka dhacay degmadaasi;
Markaan La-tashaday Taliyayaasha Ciidammada Qaranka iyo Hay’adaha Ammaanka ee ay khusayso;
Waxaan Go’aamiyey;
1) In aan laalay Xaaladdii Deg-degga ahayd ee lagu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ee muddadeedu saddexda bilood ahayd.
2) In dhammaan dadkii gaystay fal-dambiyeedyadaasi foosha xun iyo cid kasta oo gacan ku siisay oo u xidhan arrimahaasi sida ugu dhakhsaha badan loo hor-geeyo sharciga.