Madaxweyne Biixi Oo Ku Xajaya Baasaaboorka Somaliland

0
953

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi ayaa u dhoofay dalka Sucuudiga oo uu u tagay soo gudashada waajibaadka xajka iyo kulano uu boqortooyada dalkaas la soo yeelan doono sida ay xaqiijisay madaxtooyada Somaliland.

Madaxweyne Biixi iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa la shaaciyay inay markii ugu horaysay taariikhda ay ku tagayaan dalka Sucuudiga baasaboorka Somaliland, waxaana waftiga madaxweynaha raacay ka mid ahaa wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin, wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil,  wasiirka hawlaha guud Cabdirashiid Qanbi iyo masuuliyii kale.

Madaxweyne Biixi oo ay dawladda Sucuudigu u soo dirtay diyaarad gaar ah, ayaa waxay madaxtooyadu sheegtay inuu madaxda Sucuudiga qaarkood kulamo la yeelan doono.

Madaxweyne Biixi iyo weftigiisa ayaa gaadhay dalka Sucuudiga, iyagoo ay u bilaabmi doonto gudashada waajibaadka xajka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here