Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Qabyaaladda Iyo Musuq Maasuqa

0
688

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horaysay ka hadlay in uu culays kala kulmay masuuliyiin arimo musuq xilka looga qaaday kuwaas oo xaalada siyaasadeed ee dalka wax ka bedalay.

Waxa uu sheegay in aan dalku isku helayn faqa ay qabiiladu habeenkii kala faqayaan iyo waxa laga doonayo xukuumada subaxii marka uu waagu baryo, waxaanu su’aal weyn galiyay madaxweynuu sida dawlad saami qaybsi iyo dheelitir reereed ku jirtaa ay dalka horumar la taaban karo u gaadhsiin karto, isaga oo carrabka ku dhuftay inuu xaalka taagan yahay tii hore ayaa dhaantay.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlaayay xaflad ciidanka dabdamiska ee dalku uu xaruntiisa ku qabtay waxa uu isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “ Qabyaalada ha la dumiyo aynu midowno iyo qowlka aynu habeenkii ku faqaynaa haday midoobaan hore ayaynu u maraynaa  laakiin haday labadii kala jaad yihiin waa mushkilad, intaas culimadu waxay akhriyaysaa wax wanaagsan oo suuban marka laga baxona waa la kala faqayaa, mikirifoon walba oday iyo gabadh wal oo hadashaaba si fiican  ayaa loo hadlayaa aan qabyaalada  baabi’ino marka laga tagana waa la kala faqayaa, kala faqidaas meel ku gaadhi mayno, madaxweyne fiican heli maysaan inta aad kala faqaysaan, dawlad fiican hali maysaan intaad kala faqaysaan,wado fiicn heli maysaan intaad kala faqaysaan, dhakhtar fiican heli maysaan intaad kala faqaysaan, waayo xoog iyo caqli kala mqan meelna ma gaadho.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“ Taliyaha dab-damiska ayaa la magacaabayaa markaas ayaa lagu odhanayaa reer hebel afar ayay dawlada ku lahaayeene halkaas maxaa uu  u tagayaa kaasi, hada qof kaliyaata oo shaqadaas yaqaanaa ma jiro, dhakhtarka ugu wanaagsan hadaad is tidhaahdo wasaarada u magacow waxa lagu odhanayaa afar hore ayay lahaayeen ee maxaad ugu dartay,ka badal oo reer hebel gee  umad dhakhaatiirtii qolo ku qaybsanaysaa, markaas saalada qalniinka ee barina mid reerkiina ah keen geelaba ka soo kaxeeyoo,imtaxaanka ugu dhib badan waa ninka meel jooga  madaxweynaha,dawlada hoose, wasiirka  malaa masaajidaduna imika waa qabyaalad, adeer dawlad la miisaamayo oo qadhaan ah ma dhismayso alle miyaydaan ka yaabayn taas meel ku gaadhi mayno, laba hal inoo kala doora in dawlada qabyaalad iyo qaadhaan aan ku qaybino reer  hebel iyo reer hebel ah halkay doonto hayna fadhiisisee  iyo in la yidhaahdo yaa shaqadaas qabanaaya,yaa garanaaya yaa aamin ah oo wax inoo qabanaaya bal labadaas  inoo kala doora Somaliland-neey.”

Waxa uu markii ugu horaysay madaxweyne Biixi uu si kooban uga hadlay masuuliyiin xukuumadiisa ka mid ahaa oo arimo musuq xilka looga qaaday “ Qofkii hadduu wax xado oo lacatii qaranka ee loo dhiibay uu xado oo odhadku soo qabto dalkuba waa uu gariirayaa, ina hebel maxaa loo qabtay waxbaa loo jeedaa, kuwa kaleba waxbay cunaane maxaa isaga loo qabanayaa  ma reer ahaan ayaa lagu eeganayaa, way igu dhacday,hadaan nidhaahno tuugii iyo faasuqiiba aan isku qarino, ka khamriga laga qaylinaaya wada hadaad caawa qabato caaqil ayaa kuu imanaaya leh hala sii daayo,sidee loo soconayaa miyaanay arintaasi iska hor imanayan inaga oo kala jees jees ah oo nin waliba dan gaara eeganaayo dawladeenu horumari mayso, u fiirsada maalin walba oo wax la doorto wax la yidhaahdaa shalay ayaa dhaantay kana ka daran,isma galayso habeenkii waxa lagu faqaayo iyo aroortii waxa qaranka laga doonaayo, horumarkeenu waxa uu ku xidhan yahay, cisbitaalkeenu waxa uu ku xidhan yahay, ictiraafkeenu waxa uu ku xidhan yahay, ubadkaagu inuu jaamacad wanaagsan helaa waxay ku xidhan tahay inaan si daacad ah u wada hadalno oo xaga wanaaga u dhaqaaqno, hore u soco lugtaan ku jiidayaaye labadii isma imanayaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here