Madaxweyne Biixi Oo Furay Xafiis Cusub Oo Ay Somaliland Ka Furatay Dubai

26
4096

Dubai(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,  intaanu ka soo ambo bixin Isu-tagga Imaaraadka Carabta waxa si rasmi ah u daah-furay xafiis cusub oo ay Somaliland ku yeelan doonto Dubai una qaabilsanaan doona rugta ganacsiga oo ay Dubai  Ruqsadiisa Jamhuuriyadda Somaliland siisay iyadoo ka wakiil ah imaaraadka carabta.

Madaxweyne Biixi ayaa khudbad uu furitaankii xafiiskaas ka jeediyay wuxuu ku sheegay in Imaaraadka Carabtu muddo dheer ahaayeen saaxiibka ganacsi ee reer Somaliland, waxaanu isagoo xafiiskan ka hadlaya uu yidhi “xafiiskan aynu maanta halkan ka furayno ee ay Somaliland ku yeelanayso magaalada Dubai oo ah magaalo caalami ah oo aduunkoo dhamina isugu yimid, insha Allaahu waxay noqon doontaa bilow wanaagsan oo sii kordhisa iskaashigeena xaga dhaqaalaha iyo xaga horumarka, dadkayagu waa dad ganacsiga ku wanaagsan oo taalanti ku ah ilaa iyo qarniyadii  hore, intii aanu joognay waxa aanu kala kulanay soo dhawayn wanaagsan iyo qadarin dhammaan madaxda iyo hoggaamiyeyaasha dalka Imaaraadka Carabta oo uu ugu horeeyo sheikh khaliifa, sheikh maxamed, ra’isal wasaaraha, ra’isal wasaare ku xigeenka mansuur, wasiiradii aanu la kulanay iyo madaxda rugta ganacsiga ee halkan nagu soo dhaweeyey saaka, magaca weftiga anigoo ku hadlaya aad iyo aad ayaan idinka mahadnaqayaa soo dhawayntaa iyo qadarintaa”.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Isutagga Imaaraadka Carabtu waa jaalkayaga ganacsi ee gobalka ugu muhiimsan, taas ayaana sees u ah xidhiidhkayaga oo imika muddo soo dhismayey.” ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay “Dubai waa xudunta ay soo maraan badeecadaha ku socda Somaliland, maadaama oo in badan oo ka mid ah dadka aanu la ganacsannaa ay deggen yihiin meel ka baxsan magaalada, Dubai waxa ay noo tahay xaruntayada maaliyadeed ee muhiimka noogu ah la ganacsiga dunida kale.” Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray, in xafiiska ganacsigu uu sii kobcin doono, ganacsiga labada dal u dhexeeya ee imikaba koraya.

Waxa uu sheegay in ganacsiga laba geesoodka ahi uu hadda marayo qiyaas ah 300 illaa 400 oo milyan oo doolar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here