Somaliland Oo Halis Ugu Jirta Qalalaase Dhaqaale Oo Soo Food Saara Iyo Jaho-Wareer Ka Taagan Suuqyada

35
2471

Hargeysa(Geeska)-Kadib markii shirkaduhu ay fuliyeen go’aankii xukuumada ee ahaa in meesha laga saaro lacagta elektarooniga ah doolarka ee ka yar 100 doolar ayaa guud ahaanba waxa suuqa laga dareemay hoos u dhac dhanka wax kala iibisiga ah iyo in; qaar  badan oo meherada dalka ahi ay joojiyeen in ay wax ku iibiyaan lacagta Elektarooniga ah ee shilinka Somaliland.

Meheradahan ayaa sheegay inay qaadanayaan lacagta cadaanka ah ee doolarka iyo lacagta dalkaba, waxaanay haatan ka cararayaan lacagta elektarooniga ah ee shirkadaha dalka xukuumadu ay ku amartay. Dhanka kale waxa laga dareemayaa suuqyada dalka in baahida lacagta doolarka loo qabaa ay haatan sare u sii kacayso halka ay xukuumadu doonaysay inay baahida doolarka hoose u dhigto.

Inta badan maheradaha ayaa dadka qiimo sare oo shilinka Somaliland ah kaga iibinaaya alaabooyinka iyaga oo wax ugu garaacaya doolarka isla markaasna lacagta isku badalka dul saaraya, taas oo maceeshadaha qaarkood ku kordhisay qiimihii.

Tusaale ahaan shidaalka litirkii shidaalka ahaa ee Batrool ama naafato waxa ku kordhay lacag ka badan shan bqol oo lacagta Somaliland ah iyada oo iibkii shidaalku qiimo ahaan aanu bartiisii sare ugu kicin.

Mid ka mid ah ganacsatada iibiya qalabka elektarooniga ah ee moobilada u badan ayaa waxa uu u sheegay tilifishanka HCTV sidan “Lacag Somaliland ah oo la qaadanyaa ma jirto, waayo ganacsadaan ahay oo kaashka aan ku iibiyo waa inaan doolar ku helaa, haddii aanan ku helayna waxayga iska iibin maayo, dhawr iyo toban milyan ayaa moobilka ku jira, khasnadiina malaayiin ayaa ku jirta oo way buuxsantay, xamilkaanu u yeelan lahayn Somaliland intaas leeg waa uu dhammaaday, maadaama oo aan naloo badalayn, giraan wareegaysa ayay ahayd intii aan waxan la soo rogin oo giraantii waa ay istaagtay.”

Nin haysta mi ka mid ah tukaamada sharaabka iyo macmacaanka ayaa isaguna dhankiisa waxa uu yidhi” ka mid ayaanu nahay ganacsatada joojisay ku iibsada kaashka, markaanu kaashkii la soo baxno, sariflayaashii cadaankiina waanu ka waynay ( doolar) .”

Haweenay haysata macmacaanlaha badhtamaha Hargyesa ee Alle Wakiil ayaa iyaduna wax ay sheegtay”Waxii aanu wax ku iibin jirnay waxaanu ku soo iibsan jirnay timir,caano, kiro iyo alaabooyin kale  oo doolar aanu ku isticmaali jirnay,sariflihii maxaan kaa iibiyaa ayuu ku odhanayaa.”

Guddoomiyaha sariflayaasha Hargeysa Axmed Xasan Awliyo ayaa dhankiisa tilmaamay haatan in wax kala iibsiga dalku uu jahawareer galay “inay xaga xukuumada wax ka si yihiin ayaan u malaynayaa waayo in wax la dhoodhoobo maaha ee in halkeeda loogu tago weeye, arinta madaxweynuu uu yidhi waxbaan ka qabanayaana waa sicir bararka arintaas oo uu gudi u magacaabay,gudidiina qodobo ayay soo saartay qodobadii haddii ay hirgali waayaan waa arinta khalkhalka galisay suuqa, qaarbaa yidhi lacagtii elektarooniga ahayd waanu joojinay.”

Ilaa hadda xukuumadda iyo guddigii uu madaxweynuhu magacaabay midkoodna kamay hadal khalkhalkan soo waajahay suuqyada ganacsi ee caasimadda Hargeysa. Laakiin dadka dhaqaalaha aqoonta u leh ayaa aaminsan in Somaliland halis ugu jirto inay waajahdo qalalaase dhaqaale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here