Shirkada Daabacaada Ee HEMA BOOKS Oo Lagu Eedeeyay Kooto

28
3609

Hargeysa(Geeska)- Aqoon yahan Cali Dool Axmed ( Cali Qoryoolay ), ayaa xukuumada ku dhaliilay inay lacag siiso shirkada daabacada buugta ee HEMA BOOKS oo uu ku tilmaamay mid wasiiradii xukuumadii hore ay u samaysteen naas nuujin.

Aqoon yahankan ayaa sheegay in xukuumadu ay ahayd inay madbacadaheeda ay ku daabacato buugta manhajka ee dalka, waxaanu kula taliyay inay meesha ka saarto HEMA BOOKS oo uu ku sifeeyay shirkad cid gaar ah lagu naaxinaayo.

Aqoon yahan Cali Dool Axmed ( Cali Qoryoolay ), oo u warmaayay shabakada wararka ee Hadhwanaagnews, waxa uu yidhi “Shirkada HEMA BOOKS ee la yidhi buugta ayay daabacdaa, dadku waxay u arkaan mid naas nuujin ah, oo dawladu waxay leedahay laba madbacadood oo waaweyn midina ay cusubtahay, haday dawladu buugta daabacayso iyadu madbacadaheeda ha ku daabacdo. nidaamkuu Kulmiye ee hore habka naas nuujinta ee qaraabo kiilka ee dad gaar ah shirkado yar yar oo badan loo sameeyo ee ay shirkadahaas yar yar ku dhiig miiranayaan umada  ayaa badnayd.”

Cali Qoryoolay oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”HEMA  waxa la leeyahay waxay ka mid ahayd shirkadii nimankii wasiirada ahaa ee Kulmiye ay sheerarka ku lahaayeen ee dadka ay ku dhiigmiiranayeen, inay daabacadii kaligeed qaadataana waa dawdaro,xukuumad cusub waxa aan leeyahay wax weyn ayay yeelaysaa sharaftiina, hal milyan oo doolar ayuu madaxweynuu yidhi waan bixiyay oo lagu daabacaayo, in naas nuujintii dadka,dawlada iyo umaduba ay ku dulmanayd laga fogaado.Waa saddex khasaare oo waa mar ee lacagtii dawladaa ku qasaaraysa,laba shirkada la naas nuujiyay oo lagu naaxinaayo oo dulmi ku dhisan, waxa ku qorana waa wax aanay ardaydu waxba ka faa’idayn oo luminaaya, waxaan leeyahay shirkadaas hala joojiyo oo dawladu madbacadaheeda ha ku daabacdo.”

Shirkadahan HEMA Books oo la aaminsanyahay inay samaysteen dad xukuumadii hore ka tirsanaa ayuu wasiirka waxbarashada Yaasiin Faratoon qandaraas ku siiyay inay soo daabacdo buugaagta manhajka waxbarasho ee dalka. Qandaraaska oo aan wax tartan ah loo gelin ayaa sidoo kale wuxuu yaab ku noqday dugsiyada waxbarasho ee dalka iyo madbacadaha wadanka, iyadoo aanay shirkadda HEMA books lahayn madbacad balse ay buugaagta dalka ku soo daabacayso dalka dibadiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here