Madaxweyne Biixi Oo Farmaajo Ku Tilmaamay Ninkii Ugu Cadowsanaa Ee Soo Mara Soomaaliya 28 Sannadood

0
1280

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa eeddo u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo. Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay casho uu habeen hore u sameeyay safiirro, diblomaasiyiin, aqoonyahanno iyo qoraayo ka socda dalalka caalamka, kuwaas oo dalka u jooga hawlo la xidhiidha ka qaybgalka carwada caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa.

Kulanka casho-sharafta ah ee uu madaxweynuhu u sameeyey safiirrada, diblomaasiyiinta, aqoonyahanka iyo qoraayada ka socda dalal ku yaalla qaaradaha kala duwan ee dunida, khudbadana ay ka jeediyeen aqoonyahan Jaamac Muuse Jaamac, safiirka midawga yurub Amb. Nicolás Berlanga Martínez, ayaa waxa waxa kale oo uu ka jawaabay guddi uu farmaajo dhawaan magacaabay waxaanu yidhi  “Maalmahan waxa jira guddi laga magacaabay dawladda Muqdisho oo uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, guddiga marka la magacaabayo waxa ka horreeya ujeeddada loo magacaabay iyo hawsha loo dirayo, hawsha guddidaas loo diray waa laba qodob, labadaas qodobna midna Somaliland ma khuseeyo, mar haddaanay khusaynna Somaliland ahaan wixii gudahooda ah farogelin maynno.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi, “Tabashada cidda wax ka tabanaysa iyo walaalaha la joogaa waa inta isaga  la joogta ee u shaqaysa, markaa hadday inta isaga u shaqaysaa wax ka tabanayaan isagay u taallaa, laakiin Somaliland intii uu madaxweyne Farmaajo xilka yimi waxa ay kala kulantay cadaawad aan hore loo arag 28-kii sanno, kala bixii Somaliland iyo Soomaaliya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Biixi wuxuu intaas ku daray, “Waxa kale oo deelqaaf ah oo aan caqliga gelin guddi buu magacaabay oo uu yidhi Somaliland baannu doonaynaa inaannu lasoo heshiinno, rag Somaliland u dhashay oo isaga la joogana wuu soo magacaabay, taas macnaheeduna waa Somaliland aniga ayey ila joogtaa, hubaashuna waa dadka kula joogaa waa dad Somaliland u dhashay, laakiin aan wadin qaddiyaddii Somaliland iyo go’aankii Somaliland, mana dhici karto inay Somaliland u hadlaan dad Farmaajo u shaqeeyaa, waxase u hadli doona dadkeeda xilalkeeda haya ee ummaddani dooratay ama ay igmatay inay u hadlaan.”

Isagoo Madaxweynuhu la hadlaya mucaaradka wuxuu yidhi “Saaxiibbayaal waqtigii doorashada bisha Augost (Siddeedaad) tobankeeda haddii ay inaga gaadho sharcigu wuxuu dhigayaa in loo gudbiyo guurtida, caawana waxa aynnu joognaa 20-kii Jully, waxa aynnu ku murmaynaanna waa laba halla kordhiyo iyo yaan la kordhin. Saaxiibbaday waxan weydiinayaa ma waxa muhiim ah in guddigga doorashada laba lagu daro mise in doorasho inoo dhacdo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sharraxay sida  kaliya ee lagu qaban karo doorasho aan waqtigeedii ka dib dhicin, waxana uu yidhi, “Waxan leeyahay laba halla kordhiyo oo imika sharcigeedii halla bilaabo macquul ma ahee sharcigu sida uu yahay hadda aynnu ku galno, markay aynnu doorashada Baarlamaanka dhammaynonna aynnu kordhinno labada.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here