Madaxweyne Biden Oo U Hanjabey Raysal Wasaare Netanyahuga Haysta Yahuuda

0
188

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu gooddiyey Ra’isul Wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu in haddii aanu  joojin beegsiga dadka rayidka ah uu Mareykanku wax ka beddeli doono siyaasadiisa ku aadden dagaalka  Qasa.

Madaxweyne Biden oo khadka teleefoonka kula hadlay Ra’isul Wasaare Netanyahu ayaa u sheegay uu sharuud ku xidhaayo taageerada Mareykanku u fidiyo Isra’il haddii aanu  qaadin tillaabooyin dhab ah oo lagu dhowrayo nolosha shaqaalaha samafalka iyo dadka shacabka ah oo dhibbane u noqday colaadda ka aloosan marinka Qasa.

Mareykanka oo si buuxda isku garab taagey wixii ka dambeeyey weerarkii Xamaas ku qaadday Isra’il 7-dii Oktoobar ee sanadki Horeb, ayaa markii ugu horreysey isku dayaya in uu cadaadis saaro mid ka mid ah xulifadiisa ugu dhow ee Bariga Dhexe.

Arrintan ayaa ku soo beegantay maalmo ka dib markii ciidanka Isra’il ay duqeyn ku dileen 7 shaqaale gargaar ah oo u shaqeynayey urur samafal oo Mareykanka laga leeyahay, kaas oo hawlo quudin ka wadey marinka Qasa.

Madaxweyne Biden oo in muddo ah dhegaha ka fureystay baaqyo isdaba-joog ah oo loogaga dalbanayey in uu adeegsado saameynta dhaqaale iyo tan militari ee Mareykanku ku leeyahay Is’ra’il, si loogu qasbo xabad joojin, ayaa hadda u muuqda in cadaadiska uga imaanaya gudaha iyo dibbedu uu soo kardhaayo.

Lakin Lama saadaalin karo in Ra’isul Wasaare Netanyahu uu u dhego-nuglaan doono dalabka Madaxeweyne Biden uga yimid iyo in kale. Balse waxaa muuqda in dowladda Mareykanka dulqaadka ay u haysey hab-dhaqanka ciidanka Isra’il ee ku laynayaan  dadka rayidka ah  uu soo dhamaanayo