Maamulka Puntland Oo Ka Hortimid Go’aanka Dowladda Fedaraalka Ku Amartay In Lagu Xidho Qunsuliyada Garoowe

0
205

Garoowe(Geeska) Maamul goboleedka Puntland ayaa si adag uga horymid go’aan Shalay kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ay ku amartay in lagu xiro Qunsuliyada Itoobiya ay ku leedahay magaalada Garoowe.
Warsaxafadeed Xalay saqdii dhexe kasoo baxay Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland uusan khuseyn go’aanka kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.
Puntland ayaa sidoo kale ku sheegtay Warsaxafdeedka ay soo saartay in si gaar ah ula macaamileyso dowladaha deriska ah, beesha caalamka iyo daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya.
“Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Itoobiya waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah iyo iskaashi qoto-dheer, oo ku saleysan dhaqan-dhaqaalaha, amniga iyo isu socodka bulshada. Go’aankii ka soo baxay Magaalada Muqdisho 4-ta bisha April 2024, ma ahayn mid loogu daneynayay maslaxada ummadda Soomaaliyeed ee waxa uu ahaa mid ku saleysan cadaawad, xin iyo hagardaameyn lala daba joogo shacabka Puntland, laguna majo xaabinayo federaleynta Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.
Warkaan kasoo yeeray Puntland ayaa ah mid daba socda qaraar Shalay ka soo baxay Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo lagu sheegay in la xirayo Qunsuliyadaha Itoobiya ku leedahay Magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, sababo ku aaddan in Itoobiya ay fara gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.