Madaxweyne: “Aan Dunida Ku Tababarno Sida Fudud Ee Looga Guulaysto Musuqa.”

0
763

Su’aal:

Xeerkii Hay’adda Maamul-wanaagga ee Golaha Wakiillada la hor keenay halkee ayuu ku danbeeyey?

1111111111111

Jawaab:” Xeerkaasi wuu dhammaaday waana la soo ansixiyay, waxaanu noqday xeer aan awoodo badan lahayn, markaa kii ayaanu ku shaynaynaa imika.”

Su’aal: ugu danbayn, waxaad sheegtay inay jiraan caqabado hortaagan in aad hawshiina sidii la rabay u gudataan, maxay yihiin carqaladahaasi?

Jawaab:

 “Marka aan soo ururiyo caqabadda ugu weyni waa rabitaan siyaasadeed oo aan jirin, waayo rabitaanka ayaa wax walba ka horreeya, wixii in la doonayo oo ay ka go’an tahay xukuumadda in ay maamulkan qalloocan toosiso musuq-maasuqana la dagaalanto ayay tahay halkii laga bilaabayey. Markaas taas ayaan weli la go’aansan oo maqan, mar haddii ay taasi maqan tahayna awoodda aad ku shaqaynaysaa waa mid aan sidii loogu talo-galay u shaqaynayn.”

Dee faallaba ma leh, waanay iska caddahay in aan loo hagar-bixin musuq-maasuqii baahsanaa ee dawladdu dhaxashay, hadda weliba ku-darsoo waa ballanqaadyadii ay codka ku heshay ee ugu muhiimsanaa ee ku jirey buuggii cagaarnaa waxanu u dhignaa sidan:

Meel-marinta Xukun-wanaagga: 

“Si uu u xaqiijiyo himilooyinka kor ku xusan, Xisbiga Kulmiye wuxuu meel-marinayaa mabaadiia xukun-wanaagga ee hoos ku qoran:  wuxuu ka koobnaa 20 qodob  aan ka soo qaadano labadan:

4. La-dagaallanka musuq-maasuqa, qaraaba kiilka iyo eexda:

11.Meel-marinta iyo horumarinta isla-xisaabtanka iyo xalliibnaanta (accountability and transparency);

Ka rogoo haddana saar, aan u nimaadno maalinta caalamiga ah ee la- dagaalanka musuq-maasuqa ee 9ka Diisambar, waa maalin dunidoo dhan laga xuso oo muujinaysa sida uu aafo caalami ah u yahay. Waxaan marag ka ahay in hay’adda Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka musuq-maasuqa ee Somaliland sannad walba xusto maalintaa caalamiga ah. Maalintaa xataa Ban ki-Moon ayaa ka hadlay oo ereyo dhaxal-gal ah ka yidhi, halkudhegna waxa looga dhigay sannadkan aan takoorno oo aan gooniyayno musuqa si aanu gacan-qabasho noocnaba u helin. Haddaba bahalka qaradaa iyo quwaddaa leh waxay ahayd in Madaxweynuhu ka hadlo oo yimaaddo xafladda isaga iyo raxantii dabo-yaaci jirteyba illeyn munaasabado ka liitaba way isu daba-yaacaan e'., haddii dawladdan dagaalka musuqu ka dhab yahay. Sannad kasta xafladdaa waxa yimaadda oo keliya Wasiirka Caddaaladda, Guddoomiyaha Maxakamadda Sare iyo Xeer-ilaaliyaha Guud.

Haddaba, kol haddii aan cidiba u-qalab-qaadan in lala dagaallamo aafadaa qaran sow markaa boobka hantida qaranku ma bannaana. Boobku wuxuu  u kala xoog wayn yahay sida loo kala derejo sarreeyo, shaqaalaha hoose waa cashaa-wa-qado, shaqaalaha dhexena kii ay u suurto gashaa waa afar qol, Agaasimayaasha iyo Wasiirradana waa fooq, 'Villa' iyo lacago la kaydsado gudo ama dibed. Agaasimaha ama wixii u dhigma iyo Wasiirrada qurbo-joogga ahi way uga qaad wayn yihiin musuqa kuwa aan qurbo-joogga ahayn waayo gurigoodu waa halkay carruurtooda kaga yimaaddeen oo aynu malayn karno qiimaha uu ku kacayo, account-kooduna waa dibad. Raalli ahaada, hadda waxan ka hadlayaa ka na musuqa oo keliya, qolqol-joog iyo qurba-joogba illeyn waataan horeba u soo sheegay in ay qaranka weli u shaqeeyaan dad aan dhiggoodba la heli karin karti iyo daacadnimoba, haba tiro yaraadaan e'.

 Saw isku dad ma nihin oo salli kuma wada fadhino? Ma wax baa inoo kala- qarsoon? Sow ninkii gudcur habeennimo farta taagay subaxii looguma yeedhin far-taag? Markaa nin waliba wuxuu inaga musuqay waynu haynaa ama waynu heli karnaa. Mas'uuliyiin badan oo sar-sare ayaa la caddaynayaa in ay gudo iyo dibadba guryo ka dhisteen ama ka iibsadeen. Dad is yidhaa difaaca ayaa ku dooda  maxaa loo leeyahay hebel baa guri dhistay? Miyaaanu arsaaq lahayn? Miyaanu ehel wax tara lahayn? Dee mooyi! Miyuu horeba u yeesho? Bal xadiiskan saxeexa ah ila eega: Rasuulka (csw) ayaa nin u xil-saaray ka tirsan qabiilada 'Azad' oo Yaman ah in uu sekeda ka soo ururiyo markaasaa ninkii xoolihii keenay, waxanu yidhi badhkaasi waa sekadii badhkaana anaa leh oo hadiyad la ii siiyey. Markaas ayaa Rasuulku (csw) khudbad isu taagay, Ilaaahay ayuu u mahad-naqay oo ammaanay waxanu yidhi: nin idinka mid ah ayaan hawl u xil-saaraa ka mida hawlaha Eebbe ii igmaday, markaasuu odhanayaa intanna idinkaa leh muslimiineey intanna waa hadiyad la i siiyey,  bal muu guriga aabbihii iyo hooyadii joogo in cidi hadiyad u keento hadduu run sheegayo, wallaahi ka idinka mida ee qaata xoolo aan xaqiisa ahayn in uu keeni kiiyoo tunka ku sida maalinta qiyaame. Xadiiska aan intaa ku soo gaabiyo.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu khudbaddiisii dastuuriga ahayd kaga hadlay qiimo-dhaca shilinkeenna, wuxuu u saaray Guddi, wuxu shir la qaatay Maayarrada iyo Badhasaabbada dalka oo uu kala hadlay sidii qiimo-dhacaas loo xakamayn lahaa; wuxuuna eedda wax ka saaray Zaad iyo e-dahab. Wuxu yidhi Gaarriye Ilaahay ha u naxariisto e':

"Haddaad caqli leeday,

 Inta aad caqli baadho,

 Car suuqa-madoobi,

 Cidduu yahay soo hel,

 Ma Jeeblahan cawlan,

 Ayaa curyaanshay, 

Waxaan is-leeyahay, in kasta oo aanan dhaqaaleyahan ahayn, waxaa wax wayn ka tari lahaa iyada oo si dhab ah loola dagaallamo musuqa, waayo sida badan lacagta buuran ee la lunsado waxa lagu lunsadaa doollar ahaan kaas oo ama lacagta adag ee si uun ku soo gasha dalka sideeda lagu lunsado taas oo ilaalin lahayd baahida doollar ee suuqa ama lacagteenna oo si xad dhaaf ah suuqa loo soo geliyo si loogu beddesho doolarka la lunsanayo.

 Haddaba musuqu waa ku danaysiga awoodda ama ugu danayn cid gaar ah wuxuu dhaawacaa hay’adaha dimuqraaddiga ah sida xisbiyada iyo in la helo doorasho xor iyo xalaal ah, wuxuu is-hor taagaa fulinta sharciga, wuxuu dhaawacaa xuquuqaha caamka ah ee aadamaha, wuxuu curyaamiyaa dhaqaalaha dalka, wuxuu abuuraa sicir-barar, wuxuu dhaawacaa nolosha bulshada, wuxuu suurto-geliyaa abuuritaanka dembiyo abaabulan iyo falal argaggixiso, deganaansho la’aan iyo qaran hagaasa ama dumaba, mana dhacdo in uu qaran gaadho horusocod iyo horumar dhab ah oo joogtaysan isagoon dagaal ku qaadin musuqa, weliba innaga oo kale oo aan dhaqaale buuran lahayn, deeq iyo dayn toos ahina inagu yar tahay ictiraaf-la’aanta awgii. Waxay ahayd in uu noqdo musuqu cadawga inoogu weyn ee aynu leenahay qaran ahaan iyo mushkiladda ugu wayn ee xal u baahan ee xitaa ka horraysa ta ictiraaf-la’aanta si aynu u ilaashanno lacagta ka soo baxda cashuurta muwaaddiniinta oo ah hantida qudh ah ee aynu isku hubno qaran ahaan. Haddaba dawladeey, xisbiyoow, ururroow, shiciboow, saxaafadeey waa in aynu u aragnaa in uu masiibada ugu wayn yahay musuqu qaran ahaan, kana wada fikirnaa dabar-goyntiisa. Waxan is-leeyahay wuxuun baa lagaga hor tegi karaa cudud midaysan, habaysan oo abaabulan oo aan loo kala hadhin dawlad, xisbiyo, ururro, bulshada madaniga ah iyo warbaahinba iyada oo dib loo eegayo agabka iyo cududda aynu u haysanno la-dagaalanka musuqa, taasina ma suurto-gelayso haddii aanu jirin rabitaanka dawladda markaa talada haysaa.

 

Dhammaad