Madaxweynayaasha Somaliland Iyo Somaliya Oo Markii U Horaysay Is Gacan Qaaday Iyo Khudbadii Uu Siilanyo Ka Jeediyay Sanad Guurada 40aad Ee Far-Somaliga

0
651

salaanDjibouti(Geeska)-Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii u horaysay shalay isku gacan qaaday shirka Djibouti ka socda ee sanand guurada 40aad ee qoritaankii Afka Somaliga oo ay labadooduba ka wada qayb galayaan.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  si kal iyo laab ah isugu gacan qaaday furitaankii shirkan, waxaana markii ay isa salaamayeen dhinac taagnaa Madaxweynaha Djibouti Md. Ismaaciil Cumar Geele, iyadoo salaantooda ka dib masuuliyiintii hareerahooda joogay ay u sacabo tumeen. Wejiyadoodana waxa ka muuqatay dhoolacadayn. Hase yeeshe labada madaxweyne ma yeelan wax hadal ah oo dhaafsiisan salaantaas guud.

Geesta kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) khudbad uu furitaankii shirkaas ka jeediyay wuxuu ku sheegay inay isaga si gaar ah farxad ugu tahay munaasibadani maadaama oo uu markii la qoraayay farta Somaliga laga weydiiyay talooyin kala duwan, wakhtigaas oo uu ahaa wasiirkii qorshaynta ee dawladii Maxamed Siyaad Barre. “Waxaan ka mid ahaa maalintii af somaliga qoristiisa lagu dhawaaqay 1972 dawladii wakhtigaas joogtay ee ku dhawaaqday Somaliga qoristiisa, waxaanan ahaa wasiirka qorshaynta. Waxaanan xasuustaa guddigii afka somaliga qorisitiu wasaaradayda markii hore waxay u soo jeediyeen wasaaradda jaangooyada, waan ka hor imid oo waxa I caawisay dhaqankaygii aan ka soo jeeday ee reer baadiyaha ahaa oo aniguna aan dib ugu noqday  carruurnimadaydii ayaa waxaan xasuustay marka reer miyiugu degayo ee uu meel banaan degayo haddii oo uu yagleel yahay qorshaa la samayn jray.” Ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo, waxaanu intaas raaciyay inuu magaca wasaaradda qorshayntu sidaas ku baxay, “Qorshayntu sidaas ayay ku baxday. Aad baan ugu faraxsanahay in magacii si buuxa u hirgalay oo waxaynu maanta ka hadlaynaa qorshayn tahay.”

Waxa uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo dawladiisa uga mahadceliyay sida ay uga qayb qaataan kobcinta iyo horumarinta afka Somaliga, waxaanu intaas raaciyay inay reer Somaliland diyaar u yihiin inay kaalintooda ka qaataan horumarinta Afka Somaliga.

Madaxweynaha Djibouti Md. Ismaaciil Cumar Geele iyo Madaxweynaha Somaliya md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa iyaguna shirkaas ka soo jeediyay hadalo kala duwan oo la xidhiidha munaasibadan 40 guurada ka soo wareegtay qoristii afka Somaliga.