“Madaxweynahayga Ayaaba Sharaxan Ee Maxaan Anigu Is Sharixi”

0
538

Picture4Hargeysa(Geeska)-Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa markii u horaysay ka hadlay warar sheegaya inuu is sharixi doono oo uu doonayo kursiga madaxweyne inuu iskaga dhex sharaxo xisbiga KULMIYE.

Wasiir Xirsi oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa sidoo kale la weydiiyay wax aka jira warar sheegaya inuu dhawaan kulan la yeeshay saxaafad gaar ah, waxaanu yidhi “Midna ma arag, kooxna ma arag. Waana mishkiladda dadka abuuraya qabyaaladda iyo qudhunka, kuwaas ayaa ku adeeganaya, waxay tidhaa Soomaalidu tuug intaanad tuug ku odhan ayuu tuug kugu yidhaa waa mid isagu qabyaaladda ka shaqaynaya, anigana saxaafaddu way ii siman tahay mana jirto cid iyo koox aan gaar u arkay.”

 Mid ka mid ah suxufiyiinta ayaa sidoo kale waydiiyay Wasiir Xirsi in laga soo xigtay isagoo ku taamaya inuu haysto hanti badan isagoo ah nin da’ yar waxaanu yidhi wasiirku “Warkaasi waa mid been ah,haddaad caddayn haysana soo bandhig, mana sheegin anigu. Markaan halkan(Kursiga) imid waxaan ahaa nin shaqaysta oo xoogsada ee maan ahayn nin dawarsada,mana ahayn nin baahan. Markaan kursiga imidna waan ladnaa imikana waan ladanahay oo mahad Illaahay ayaan joogaa, mana jirto lacag aan haysto oo aan dadka ugu faanayo, ee dawladda ayaan u shaqeeyaa waana la I yaqaan, lagumana yaqaan dadka lacagta doona ee hunguriga badan, ee waa beenaaleyaasha warka aan jirin ururiya ee madaxda iyo d adka umadda u shaqaynaya ku weerara,” ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

Wasiir Xirsi ayaa sidoo kale la waydiiyay inuu sharaxan yahay kadib markii muddooyinkii u dambeeyay ay soo baxayeen inuu tartan ugu jiro musharaxnimada  Kulmiye “Taas waanigii hore uga jawaabay ee idhi Madaxweynahayga ayaaba sharaxan ee maxaan anigu sharaxnaan,” ayuu yidhi Xirsi.