Sannad-Guurada 20aad Ee Aasaska Nuuradiin Iyo Munaasibad Aan Loo Kala Hadhin Oo Lagu Xusay

0
467

Picture3Hargeysa(Geeska)-Labaatan sannadood ka hor shalay oo kale ayay ku beegnayd markii la aasaasay dugsiyada caan baxay ee kala duwan balse ku midaysan Nuuradiin Schools, waxaana munaasibad balaadhan oo loogu dabaal degayo shalay lagu qabtay hoteelka Guuleed ee Hargeysa.

Munaasibadaas, maamulka iyo macalimiinta Nuuradiin ka sakow ka qayb galay Marwo Edna Aden Ismaaciil,  Wasiirada arrimaha dibadda iyo madaxtooyada Maxamed Biixi Yoonis iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan,  wasiir-xigeenka waxbarashada, guddoomiyayaasha UCID iyo KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Faysal Cali Waraabe,  musharaxa madaxweyne xigeenka Waddani. Madaxdan siyaasadda waxa weheliyay 21000 (Koow iyo labaatan kun) ee arday ee wax ka dhigata dugsiyada Nuuradiin oo labiska waxbarashada ee dugsiyada Nuuradiin ku labisnaa iyo waalidiintooda oo la socotay qaar badan oo ka mid ah.

Madasha waxa furay maamulaha guud ee dugsiyada Nuuradiin Xaaji Mahad Ibraahim Maxamed, oo ka waramay taariikhda dugsiyada Nuuradiin iyo sidii uu ku bilaabay sannadkii 1995 “Waxaan waxyar ka odhanayaa taariikhda dugsiyada  Nuuradiin iyo meeshii aan ka soo bilaabay. Maanta oo kale waxaan ku bilaabay Schoollada Nuuradiin hal-qol oo yar oo Sheekh Madar ku  yaalla iyo 8 arday ooo kaliya waxay ku fadhiistaan io kuraas-toona muu lahayn ee Caw bay ku fadhiisanayeen. Maanta 8 dii arday waxay marayaan 21000 kun oo Arday halkii Macalin-n waxay marayaan 900 oo macalimiin ah”  ayuu yidhi Mahad Ibraahim Maxamed, waxaana munaasibada lagu soo bandhigay filim maqal iyo muuqaal ahaa oo ka waramaya taariikhdii ay dugsiyadan tirada badani soo mareen.

Mahad Ibraahim, wuxuu sheegay inuu ku faraxsanyahay taariikhda uu soo maray dugsiyada uu aasaasay, isagoo xusay inaanu marna niyada gelin in dugsigii uu dhawrka arday ku bilaabay heerkan maanta uu joogo gaadhi doono, “Waana Alle mahadii.” Ayuu yidhi.

Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo khudbad jeediyay ayaa maamulka, macalimiinta iyo ardayda reer Nuuradiin ku bogaadiyay halka ay maanta marayaan oo uu sheegay inay tahay wax lagu farxo. Wuxuu Wasiir Xirsi digniin u diray basaska qaada carruurta dugsiyada tagaysa oo inta ku socda xawaare.

Marwo Edna Aaden Ismaaciil, ayaa iyaduna xafladaas ka jeedisay kelmado kooban oo hambalyo ah,

“Dugsiyada  Nuuradiin iyo maamulkiisa Mahad Ibraahim ilaahay khayr-ha siiyee waa muunnaddii waxbarashada Somaliland waayo ardaydoodu markay galayaan imtixaanadda Jaamacadda ee aannu ka qaadno waxay galaan kaalinta ugu saraysay mar walba” ayey tidhi marwo Adna Aadan.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada oo ku hadlayey afka wasiirka waxbarashada ayaa sheegay inay Schoollada Nuuradiin yihiin horseedka waxbarashada dugsiyada sare ee Somaliland oo dhan “waxaan maanta Schoollada Nuuradiin iyo maamulkooda uga hambalyeynayaa inay gaadheen meeshii ugu saraysay tayada waxbarashada waayo dhamaan Schooladii dalka oo dhan bay markaliya ka soo dhexbexeen Nuuradiin Schools” ayuu yidhi Cabdirashiid wasiir ku xigeenka waxbarashada Somaliland.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo kamid ahaa siyaasiyiintii halkaa ka hadashay waxa uu sheegay Inuu Mahad Ibraahim Maxamed waligii ahaa qof leh hami fog taasina ay keentay inuu kaga dhabeeyo riyadiisii dheerayd ee uu ku riyoonjiray  “marka uu Mahad idin lahaa maan islahayn maanta oo kale ayaad gaadhi doontaa wuu is qarinayey ee waligiiba waxa uu lahaa hamigaasi sare ee maanta halkan soo gaadhsiiyey” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo halkaa ka hadlay waxa uu hambalyo iyo bogaadinba carrabka ugu adkeeyey kaalinta uu Nuuradiin kagajiro waxbarashada.

Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo isaguna madashaa ka hadlay waxa uu sheegay inay mucjisooyinka kamid tahay taariikhda uu soo maray Schoolka iyo maanta halka uu marayo “runtii marka aan daawaday muuqaalladii hore ee uu soo maray iyo maanta halka uu marayo waxay aniga iila muutaa inay mucjisooyinka kamid tahay” ayuu yidhi  Maxamed Biixi Yoonis.

Guddoomiyihii hore ee jaamacada Hargeysa Dr. Cabdi Gaas ayaa isna halkaas ka jeediyay hadalo hambalyo ah oo kooban.

Ugu dambeyntiina Aas-aasaha Schoollada Nuuradiin Mahad Ibraahim Maxamed iyo Gudoomiyaha Imtixaanaadka Daa”uud Axmed Faarax ayaa si wadjir ah shahaadooyinkii u gudoonsiiyey labadii arday ee u gu horeeyey kaalmahasare ee dalka oo dhan iyo Nuuradiinba.