“Madaxweynaha Waxaan Leeyahay Somaliland Yaanay Gacmahaaga Ku Burburin, Waa Inaad Dalkan Midnimadiisa Ka Shaqaysa”

0
528

Picture6Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa ku baaqay in la isagu yimaado shir qaran oo lagaga tashado arrimo badan oo uu sheegay in ay dalka ku soo fool leeyihiin, waxaana uu carabka ku dhuftay maadaama ay xukuumada iyo golaha baarlamaankaba uu wakhtigoodu ku eeg yahay 26ka loo baahan yahay sidii looga yeelan lahaa talo qaran sidii loo wajahi lahaa dagaal uu sheegay in Somaliland kaga soo socdo dalka Somaliya oo hada ciidamo u tabobaraya maamul gobeleedka Puntland.

Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo ku qabtay magaalada London ee dalak Ingiriiska, waxaana uu sida oo kale sheegay aanay dan ahayn in wakhtigan maanta ay xukuumada jirta samaysato muddo kordhin.  “Waxa weeyaan in shir la isagu yimaado, annagu shir qaran ugama jeedno dawladu waa ay guul daraysatay se waa danteeda, shika qaran waa in ay ka soo baxdaa waxii lagaga gudbi lahaa inta ay dawladaasi dib u dhacday, kordhintaasi maaha mid siyaasadeed waxa weeyaan xukuumada 26ka Juun waa ay ka dhamaatay wakhtigii labada goleba xukuumada iyo baarlamaankaba, waxii laga'ga badeli lahaa ee lagaga bixi lahaa waa in la isagu yimaada, halkaana ay ka soo baxdaa dawlad midnimo qaran ah oo arrimaha inagu soo foolan ee inagu soo socda si midnimo ah aynu kaga baxnaa oo labada inan ee Ilmaadeerka ah ee maanta soo saaray kominikee-ga ee aad moodo in ay dadka ka caqli badan yihiin aan taagtooda tusnaa oo aanay Laascaanood sheekadu noqonee ay dhulkooda noqotaa.”.Ayuu yidhi Eng.Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu madaxweyne Siilaanyo uga digay in dawlada hada jirta ay gacmihiisa ku burburto, isaga oo sida oo kalena carabka ku adkeeyey in haddii shirkaa la isagu iman waayo ay qaban doonaan isbahaysiga mucaaradka Somaliland, waxaana uu yidhi:

“ Siilaanyana waxaan leeyahay Somaliland yaanay gacmahaaga ku burburin, nin weyn ayaad tahay, nin cilmi leh ayaad tahay waa in aad dalkan midnimadiisa iyo nabad galyadiisaba aad ka shaqaysaa, raga ku sheekaysanaya inoogu dhufta laba sanno waxba aduunka inagama galinee, waxaan leenahay ka jooga, dalkan laba sanno oo kordhis ah ma qaadi karo, shirkaa hadii la qaban waayana annaga ayaa shirkaas qabanayna."

Ugu danbeyntiina Eng.Faysal Cali Waraabe, waxaa uu ugu baaqay shacbiga reer Somaliland in ay ka digtoonaadaan xasuuq uu sheegay in mar kale ay ugaysato dawlada Somaliya oo hada ciidamo u tababaraysa maamul goboleedka Puntland.

"Waxaan leeyahay shacabka reer Somaliland waad arkaysaan sida loo galay Somaliya iyo road Mapkii Garoowe lagu sameeyey-ba, innaga ayaa la inagu soo socdaa, waa taa maanta durtaba la leeyahay 6000 ha la keeno, waxa loo baahan yahay in aynu is hubayno mar danbena aan xasuuq innagu dhacin.".Ayuu yidhi Eng.Faysal Cali Waraabe.