Madaxweynaha Taiwan Oo Qaabiley Weftigii Somaliland, Farriinta Wasiirka Arrimaha Dibedda Iyo Cadhadii Dawladda Shiinaha Oo Soo Laba-kaclaysay

0
506

Somaliland Oo Taiwan U Bandhigtay Shidaalka Iyo Macdanta Ku Jira Somaliland & Sida looga Faa’idaysan karo

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, ayaa Shalay qaabishay weftigii uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Maxamuud Kayd, waxayna labada dhinac ka wada-hadleen iskaashiga ganacsiga, iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland.

Madaxweyne Tsai Ing-wen, ayaa sheegtay in Somaliland ay Taiwan u tahay albaab ay ka galayso Afrika, oo horseedi kara horumarka maalgashiga ay Taiwan rabto in ay ka fuliso qaaradda Afrika, iyadoo sheegtay in Somaliland ay ku taallo bogcad istaraatiji ah.

Wasiir Ciise Kayd Maxamuud oo si furan uga hadlayey aqalka Madaxtooyada ee Taiwan, ayaa sheegay in haddii Taiwan kordhiso dhoofka badeecadaha ay ku gayso qaaradda Afrika, ay labada dhinacba ka faa’iidi doonaan “Waxaan maalgashadeyaasha reer Taiwan ku soo dhawaynayaa qaaraddayada, waynu ka wada faa’iidaysanaynaa oo Taiwan waxay kordhinaysaa dhoofka alaabadeeda ee Afrika, anagana shaqo abuur ayaa u kordhaya dhalinyaradayada” ayuu yidhi wasiir Kayd.

Sidoo kale, wuxuu u soo bandhigay inay Taiwan ka faa’iidaysato khayraadka dabiiciga ah ee ku jira dhulka Somaliland “Markay noqoto macdanta, Somaliland khayraad badan ayaa ku jira, oo shisheeyuhu maalgashan karo, sida hydrocarbon-ka, saliidda iyo shidaalka iyo dhuxul-dhagaxda, kuwaasi oo lagu ogaaday sahamin la sameeyay sannadihii lasoo dhaafay” ayuu yidhi wasiir Kayd.

Wasiirku waxa kale oo tilmaanay in Taiwan ay ka faa’iidaysan karaan maalgashiga dhinacyada dalxiiska, beeraha iyo kalluumaysiga Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud waxa kale oo uu si duur-xul ah uga hadlay culayska diblumaasiyadeed ee Shiinuhu saarayo Cid kasta oo xidhiidh la samaysa Taiwan, sida Somaliland “Xidhiidhkeenu wuxuu Ka tarjumayaa ilaaqaad gaar ah oo Taariikhi ah, kaasi oo u dhexeeya Laba Dal oo u taagan Dimuqraadiyadda Afrika iyo Aasiya. Qaran ahaan Somaliland waxay xaq u leedahay inay yeelato ilaaqaad dibedeed oo nabadgalyo ah, sida ay dhigayaan shuruucda Caalamiga ah, waxayna ka soo horjeeddaa Tallaabo kasta oo lagu khasbayo ama lagu handadeyo ama lagu diidayo wada-shaqaynta ka dhaxaysa saaxiibbada Caalamiga ah..” ayuu yidhi.

Laakiin, Dawladda Shiinaha oo Afhayeenkeeda Wasaaradda Arrimaha Dibeddu hadlay, ayaa ka hadlay booqashada Weftiga Somaliland ee Taiwan, ayaa sheegay in dunidu aqoonsan tahay Shiinaha oo keliya, Taiwana tahay Jaziirad ka mid ah Shiinaha.

Zhao Lijian ayaa sheegay in dunida laga aqoonsan yahay hal dal oo la yiaadhdo Shiinaha, Taiwan-na ay tahay qayb aan laga maarmi karin oo ka tirsan Shiinaha, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Zhao Lijian waxa uu sheegay in Taiwan ay “isku dayday in ay raadiso gooni-u-goosad, balse ay sidoo kale hurinayso olol si ay u wiiqdo madaxbannaanida iyo midnimada dalalka kale mabda’a in hal dal oo shiinaha ah uu jiro, waa xeer ka mid ah xidhiidhka caalamiga ah.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office