Madaxweynaha Oo  Marti-qaad U Samaynaya Xildhibaannada Golaha Wakiillada Ee Cusub

0
542

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu Marti-qaad u fidinayo Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee cusub.

Ma Jiro War rasmiya ah oo arrintan ku saabsan oo ka soo baxay Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada midna, balse ilo-wareedyo ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in kulan dhex maray Madaxweynaha iyo Shir-guddoonka Golaha Wakiillada lagaga wada-hadlay sidii meesha looga saari lahaa Madmadowga Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada JSL ee loo wada-shaqayn lahaa.

Warku wuxuu intaa ku daray in sidoo kale uu Madaxweynuhu uu Toddobaadka dambe uu guud ahaan Xildhibaannada Golaha Wakiillada Hadhimo-sharafeed ugu samaynayo Aqalka Madaxtooyada, taasi oo loogu gogol-xaadhayo Wada-shaqayn wanaagsan oo dhex marta Golaha Wakiillada iyo Xukuumadda oo aan bilihii u dambeeyay aan isku wanaagsanayn.

 

Geeska.net/Hargeisa Office