Madaxweynaha Soomaaliya Oo Farmo-Madhan Ka Taagan Dhaqaalihii Uu Wadamada Reer Galbeedka Ka Filayay Iyo Safaradii Dalalka Jaarka Oo Uu Joojiyay

0
726

Muqdisho(Geeska)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa faro madhan ka taagan taageero uu ka filayay wadamada reer galbeedka, taas oo u badnayd inay dawladiisa ku garab istaagaan taageero dhaqaale.

Mr. Farmaajo, ayaa dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ka filayay inay fuliyaan taageero dhaqaale oo ay balan qaadeen shirkii London ee Bishii May inay si toos ah ugu gacan gelinayaan dawladiisa si uu u bixiyo mushaharaadka ciidamada, dhismaha hay’adaha dawladda iyo mushaharaadka shaqaalaha dawladda islamarkaana uu hawlgalo u sameeyo. Hase yeeshee sida ay warar xogogaali u sheegeen Geeska Afrika wadamadan ayaan bixin dhaqaalahaas, waxaanay shardi kaga dhigeen in dawladda Soomaaliya marka hore la timaado qorshe cad oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo  inay fuliso weeraro islamarkaana sugto ammaanka Muqdisho.

Farmaajo oo ka jawaabaya shardigaas ayaa sameeyay ciidamo sugaya ammaanka Muqdisho, laakiin ciidamadaas ayaan noqon kuwo sidii uu filayay u keena isbedel. Muqdisho waxa toddobaadkan gudihiisa ka dhacay laba qarax oo kala duwan oo weliba laga fuliyay jidka Maka Al-mukarama ee hawlbawlaha ah, waxaanay weeraradani muujiyeen faashilka ku yimid qorshihii Farmaajo.

Geesta kale Ciidamada AMISOM ee ku sugnaa magaalada Leego ee gobolka Shabeelada Hoose ee Soomaaliya ayaa shalay halkaas iskaga guuray, wax yar kadib markii ay halkaas ka baxeen waxaa magaalada qabsadey koox ka tirsan ciidamada al-Shabaab oo markii hore banaanka ku sugaayey bixitaanka AMISOM. Leego ayaa 120km u jirta Muqdisho waxaana ay dhacdaa wadada isku xidha Baydhabo iyo Muqdisho, waxaana adag in masuuliyiinta dawladda iyo  ciidamadu ay isaga gudbaan  waddada u dhaxaysa Muqdisho iyo Baydhabo, maadaama al-Shabaab fadhiyaan Leego.

Xidhiidhka Farmaajo ee dalalka dibadda, gaar ahaan kuwa jaarka la ah Soomaaliya ayaan isna ku taagnayn cago adag, ka dib markii uu ka baaqday dhawr shir oo ka dhacayay Nayrobi iyo Addis Ababa oo uu bedelkiisa u diray Raysalwasaarihiisa oo ka qayb galay shirkii ugu dambeeyay ee Midowga Afrika halkii laga sugayay inuu Madaxweynuhu shirkaas madaxda Afrika tago islamarkaana u bandhigo qorsheyaashiisa.

Farmaajo ayaa joojinta socdaalada dalalka jaarka la ah Soomaaliya wuxuu ku sababeeyay inuu fulinayo mid ka mid ah qodobadii uu ku galay ololaha oo ahaa inuu yarayn doono socdaalada dibadda, laakiin safaradan uu yareeyay waxay u gaysteen dhaawac dhinaca dibadda ah.

Si kastaba ha ahaate, Farmaajo ayaan noqon sidii ay dunida iyo dadka Soomaalida ahiba ka filayeen, waxaanu la daalaa dhacayaa culaysyo siyaasadeed, kuwo amni iyo kuwo dhaqaale.