GUUGUULE IYO MAANTA

0
632

Nin baa Ramadaantii ku dhacay baanka dhexe hortiisa, dabadeedna qaar ku soo yaacay ayaa yidhi waar ninka biyo ku rusheeya malaha wuu dawakhee, dabadeed intuu soo miiraamay ayuu yidhi, waar wakaaladda biyaha ayaan ku hor dhici lahaa haddaan biyo doonayee adeer Baankii dhexe ayaan ku hordhacay. Dee dadkiiba yaab ayaa Alle u keenay, dabadeedna nin baa konton kun oo shilin siiyay, laakiin qolada baanka haysata malaha sicir bararkaa wareeriyoo mabay dareemin ninkaas.